Sharma ilkacase

Sharma ilkacase

Share

31/12/2025

Warbaahinta ku hadasha afka dawladda Ethiopia ee EBC ayaa dalka Masar ku eedaysay in ay la soo bexeen xeeladdihii ay kula dagaallami jireen dalka Ethiopia si ay u wiiqaan awoodda waddanka ugu dadka badan bariga Afrika. Qoraal lagu soo daabacay boggaga EBC waxa lagu dhalleeceeyey heshiiska ay Masar la gashay Soomaaliya waxana lagu tilmaamay in ujeedadiisu tahay sidii Ethiopia looga hor istaagi lahaa marin badeed.

Ethiopia waxa ay Masar xasuusisay in ay qayb ka ahayd dagaalkii 1977 dhex maray Soomaaliya iyo Ethiopia kaas oo ay sheegtay in ay uga gol lahayd sidii loo qaybin lahaa dal weynaha Ethiopia. Qoraalka waxa lagu xusay in bad raadinta Ethiopia aanay ahayn mid ku salaysan faakihaysi balse ay tahay badbaado nololeed.

Dhambaalkan lagu baahiyey Warbaahinta ku hadasha afka dawladda ee EBC ayaa ah mid muujinaya sida ay Ethiopia isha ugu hayso dhaqaaqyada Masar ee gobolka Geeska Afrika gaar ahaanna Soomaaliya oo Masar ay oo hadda kala shaqaynaso dagaalka ka dhanka ah aqoonsiga Somaliland. Addis ababa oo ah jaarka ugu weyn Somaliland ayaan ilaa hadda ku biirin dalalka ka soo hor jeestay aqoonsiga Somaliland, mana jiro wax xidhiidh ah oo ay la sameeyeen Muqdisho tas oo lo qaatay in ay tahay farriin muujinaysa sida Ethiopia uga fiirsanayso arrimaha la xidhiidha aqoonsiga Somaliland.
war xasaasi ah

31/12/2025

Dalalka galbeedka Afrika ee Mali iyo Burkina Faso ayaa dhulkooda ka mamnuucay muwaadiniinta Mareykanka, tallaabadan oo ay ku sheegeen inay tahay aargoosi ka dhan ah go’aankii Donald Trump uu ku xayiray muwaadiniinta Mali iyo Burkina Faso inay galaan Mareykanka, sida ay werisey wakaaladda wararka AP. xasasiga ah e manta

25/11/2025

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa khalkhal iyo is barbar yaac laga dareemay 48-kii saacadood ee lasoo dhaafay kaddib hadalkii Madaxweyne h**e Farmaajo.

Madaxweyne Xasan, Raysalwasaare Xamse, Wasiiro & Xubno kale oo xukuumadda taageersan ayaa migirifoonka kala hororsanaya si ay ugu jawaabaan Farmaajo.

Ra'iisalwasaare Xamse oo saaka hadlay ayaa isagoo ka cadheysan hadalka Farmaajo, wuxu weerar afka ah ku qaaday dawladdii kacaanka iyo Alle haw naxariistee Jaalle Maxamed Siyaad Barre.

Dadkii dhegaysanayay hadalka Ra'iisalwasaaraha ayaa la yaabay in Xamse isla goobta ka sheegay in lagu hoogay nidaamkii kacaanka, misana uu hadalkiisa kusoo xidhay an ilaashano wixii yaraa ee dawladda kacaanku inoo dhistay.

Tan waxa loo fasirtay in Xamse la kurbaysan yahay xanuunka khudbaddii sida dab duur galay ugu faaftay baraha bulshada ee uu habeen h**e Farmaajo jeediyay.

Laba isbuuc oo keliya ayuu dalka jooga Farmaajo oo dib u bilaabay olollahiisa dib u doorashada mudadaas koobana kabo ka yaryar ayuu u xidhay Villa Soomaaliya.

Maxay kula tahay.?

23/11/2025

“Baahida ugu daran ee dalka ka jirta waa in qofka uu caawa heli karo wuxuu afka ku dhufto”

“Dadka Soomaaliyeed waa baahanyihiin, Faqrina waa jiraa, waa sax lakin amaan ayaa jira, Dhismayaal ayaa socdo”..

Madaxweyne Xasan Sheekh maxamud oo u jawaabaya hadalkii xalay Madaxweynihii h**e Farmaajo.

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Pretoria?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Website

Address


Hebran Road
Pretoria
0152