Muhammad-amin
26/11/2023
1Xbet sida uu lacagta kaaga helo:
1- Marka h**e lacag baad ka heleysaa
2- ka dib damac baa ku galaya inaad sii badsato
3- markaan wuxuu ku siinayaa lacag yar yar laakiin hoos baad u soconaysaa
4- waxaad is leedahay intii aad la soo gashay hadaad ka hesho isaga bax laakiin wali hoos baad u sii socotaa si tartiib ah
5- marka lagaa dhameeyo ayaad mid aad leedahay soo galinaysaa,markaan xoogaa rajo ah ayuu ku siinayaa kor baad u soconaysaa 20%
6- markaan si toos ah ayaa hoos laguugu wadayaa,illaa aad niyadda iska tiraahdo "War wuxu gunsanaa"
7- adoo sida qof sixran ah oo caraysan ayaad lacagtaadii ku guraysaa markaasaa si waji kaama lihi ah laguu karbaashayaa..
8- markay kaa dhamaato ayaad telefoon wicis ku waalanaysaa adoo dayn iyo deeq raadinaya.
9- qof aadan waligaa wax waydiinin ayaad waydiinaysaa..isla tii baa lagaa cunayaa..
10- waxaad rajaynaysaa adoo madaxa gacmaha saartay oo waalan raba in haddii lacag kale aad hesho aad ka aargoosato..waana meeshaas meesha ay ka bilaabanayso inaad balwad ka dhigato
11- game kaas waligaa lacag isku xiran k**a heli doontid wuu ku fahamsan yahay wajina kaama laha..waana midkaas midka ku halaagi doona.
Waa sixir ee hadda go'aan ka qaado..iska jooji..
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the public figure
Address
Cape Town
Cape Town
112