SDM

SDM

Share

Photos from SDM's post 05/10/2026

Garoonka Cusub Ee Diyaaradaha Ee Magaalada Qabridaharre Ee Gobolka Qoraxay oo Dhismihiisu Xawli Ku Socdo.

Dhawaan waxaad ka dagi doontaa garoon caalami ah oo badqabkiisa la hubiyay hadii eebe idmo.

SDM
Qalinka Soo-jeeda

Photos from SDM's post 05/10/2026

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxumed Cumar, ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay mashruuc ballaadhan oo lagu dhisayo warshad sifaynta biyaha ee magaalada Qabridahare.

Mashruucan oo aad muhiim ugu ah bulshada magaalada ayaa ku kacaya kharash dhan 407 milyan oo Birr. Warshaddan sifaynta biyaha ayaa la filayaa inay si weyn u dabooli doonto baahida biyaha nadiifta ah ee magaalada Qabridaharre iyo deegaanada ku xeeran.

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxumed Cumar, oo ka hadlay munaasibadda dhagax-dhigga mashruucan, ayaa sheegay in xukuumaddu wax badan ka qabatay adeegyada bulshada sida biyaha, caafimaadka, jidadka, waxbarashada, horumarinta magaalooyinka iyo warshadaha.

Mashruucan warshadda sifaynta biyaha ee magaalada Qabridaharre ayaa astaan u noqonaya isbeddel taariikhi ah oo dhanka nolosha bulshada ah, gaar ahaan marka la eego xaaladda bulshada oo muddo dheer la daalaa dhacaysay cabitaanka biyo dhanaan oo khadhaadh, isla markaana macdantu ku badan tahay.

Photos from SDM's post 05/10/2026

. Xarunta Degmada Raaso Ee Gobolka Af-dheer, waxaa ka qabsoomay tartanka ciyaaraha fudud ee Orodka, kaasoo lagu maamuusay taageerana loogu muuniyay Ololaha doorashada 7aad Ee Xisbiga Barwaaqo.

SDM
Raaso. Gobolka Af-dheer Ee DDS

Want your business to be the top-listed Media Company in Boston?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Address


Boston, MA