Iftin Development Organization

Iftin Development Organization

Share

19/01/2026

Wax Qabad h**e
15/2/2024

Ururka Dhalinyarada isxilqaamayaasha Iftin Development Organization oo kaa shanaya Dawlada hoose ee Degmada Gaalkacyo iyo Maamulka xaafada israac ayaa olole nadaafadeed waxa ay ka sameeyeen wadada Cirjiife ilaa buulo dooro.

Inta qashinku kuujiro ayuu cudurku kuu jiraa

Xafiiska Warfaafinta

Photos from Iftin Development Organization's post 19/01/2026

Caleema Saarkii Gudoomiyaha ururka jamacahada
7/9/2025

Guddoomiyaha Ururka Iftin Development Organization Abdikariin Abdisalaan Gabax, iyo qaarkamida xubnaha ururka ayaa ka qaybgalay xafladda caleema-saarka Guddoomiyaha cusub ee Midowga Ardayda Jaamacadaha Gaalkacyo, Maryan Deeq Cabdullaahi, iyo ku-xigeenkeeda Sakariye Abdihaadi Cali, oo si rasmi ah uga dhacday magaalada Gaalkacyo.

Cabdikariin Gabax ayaa ugu horreyn hambalyo u diray hoggaanka cusub ee la doortay, isagoo xusay in doorkooda uu yahay mid muhiim u ah kobcinta midnimada, wadajirka, iyo horumarka ardayda. Waxa uu si gaar ah ugu dardaarmay in ay la shaqeeyaan dhammaan hay’adaha iyo ururada deegaanka, gaar ahaan kuwa bulshada rayidka ah, si loo xaqiijiyo yoolalka waxbarasho iyo kuwa horumarineed ee ay higsanayaan dhallinyarada Jaamacadaha.

Guddoomiyuhu waxa uu sidoo kale adkeeyay muhiimadda iskaashiga ka dhaxeeya ardayda, maamulka jaamacadaha, iyo bulshada inteeda kale, isagoo ballanqaaday in Ururka Iftiin Development Organization uu si buuxda uga taageeri doono Midowga Ardayda dadaallada lagu horumarinayo degmada Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug.

Ugu dambeyn, Cabdikariin Gabax wuxuu ku boorriyay Maryan iyo Sakariye in ay noqdaan hoggaan tusaale u noqda dhallinyarada inteeda kale, kuna shaqeeya daacadnimo, firfircooni iyo hufnaan hoggaamineed.

Xafiiska Warfaafinta

Want your organization to be the top-listed Non Profit Organization in Bukasa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Website

Address


Bukasa

Opening Hours

Monday 08:00 - 22:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Friday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00