Jubbaland Security Forces

Jubbaland Security Forces

Share

Photos from Jubbaland Security Forces's post 16/12/2025

Geesiyaasha Ciidamada Jubaland, gaar ahaan Ciidanka Madaxtooyada, ayaa si hagar la’aan ah uga go’an sifaynta iyo ciribtirka goobaha ay cadawgu gabaadka ka dhigtaan. Howlgallada ay wadaan ciidamadaasi ayaa ah kuwo si weyn u taabanaya amniga, isla markaana niyad u dhisaya shacabka Soomaaliyeed.

Gulufta joogtada ah ee ay fuliyaan halyeeyada Ciidanka Madaxtooyada ayaa lagu bartilmaameedsanayaa meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan kooxaha cadawga ah, taas oo keentay in si tartiib tartiib ah loo xoreeyo deegaanno muhiim ah, loona sugo badqabka muwaadiniinta.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa muujinaya taageero iyo bogaadin ay u hayaan geesinimada iyo naf-hurnimada ay sameynayaan ciidamada Jubaland, iyaga oo ku tilmaamay kuwo u taagan difaaca dalka, diinta iyo dadkaba.

23/08/2025

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa shalay gaaray magaalada Nairobi, kadib safar gaara oo uu kaga ambabaxay magaalada Kismaayo. Ilo xog-ogaal ah oo ka ag dhow madaxtooyada Jubbaland ayaa xaqiijiyey in madaxweynaha uu kulan albaabadu u xiran yihiin la qaadan doono hoggaamiyeyaasha gobolka iyo xubno ka socda beesha caalamka ee ku sugan Nairobi.

Safarkan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaraya qorshe ballaaran oo Jubbaland ku doonayso in ay dagaal kula wareegto magaalooyin muhiim ah oo weli ku jira gacanta Al-Shabaab, gaar ahaan caasimadda maamulka ee Bu’aale iyo degmada Xagar.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa saaxiibada Soomaaliya kala hadli doona sidii loo garab istaagi lahaa gulufka milatari ee Jubbaland qorsheyneyso in lagu wiiqo awoodda kooxda, taas oo muddo lix bilood ah qorsheyn iyo diyaar-garoow socday. Ilo ku dhow madaxtooyada Jubbaland ayaa sheegay in arrinta dagaalka ay marayso heer gebogebo ah, islamarkaana dhowaan la filayo in la guda galo wajiga fulinta.

Dhanka kale, toddobaadkan waxaa magaalada Kismaayo gaaray Taliyaha Hay’adaha Sirdoonka Kenya, Nuurudiin Xaaji, oo kulan la yeeshay Madaxweyne Axmed Madoobe. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii loo dhameystiri lahaa diyaargarowga dagaalka iyo kaalinta saaxiibada gobolka ee taageerada dhinacyada sirdoonka, dhaqaalaha iyo milatariga.

Madaxweyne, Axmed Madoobe ayaa dhowr jeer h**e sheegay in Jubbaland aysan ka leexan doonin dagaalka Al-Shabaab, balse la sugayo kaliya taageerada saaxiibada Soomaaliya iyo beesha caalamka si loo xaqiijiyo guul waarta.

13/08/2025

Geesiyadeeniyow naf iyo dhiigba waad noo hurteen💪✌️

Want your organization to be the top-listed Government Service in Istanbul?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Website

Address


Istanbul