Eating Healthy
25/04/2024
Spinach/Koosto.
Manta waxan ka hadli doona spinach waxa af-ka qalaad lagu dhaho ama isbinaajka/koostada.
Spinach-ka waa caleen akhtar ah ee sawirka ka muuqata , waxan si kooban uga hadli doona faaidooyinka cafimaad ee kujira.
Spinach-ka waxa kubadan fiber-ka aan milmi karin kaaso siyaabo kala duwan cafimaadka kor ugu qaadi kara, faaidooyin waynna uleh dheefshiidka.
Waxay kahor tagtaa calool istaaga.
Spinach-ka waa il heersare ku ah fiitamiino iyo macdano/ (Vitamins and minerals ) badan oo ay kujiraan;
*Vitamin* *A* ; spinach waxa kubadan maadada carotenoids, kaas oo jidhku ubedeli karo vitamin A.
*Vitamin* *C* ; fitamiinkani waa antioxidant awood leh oo kor uqaada caafimaadka maqaarka iyo shaqada difaaca.
*Vitamin* *K1* ; vitamiinkan ayaa lagama maarmaan u ah xinjirowga dhiiga.
*Folic* *acid* ; sidoo kale loo yaqaan Folate ama fitamiin B9, waxay muhiim utahay dumarka uurka leh sidoo kale koritaanka unugyada ayey ka qayb qaadataa.
*Iron* ; spinach ka waa il heer sare ah oo laga helo macdantan muhiimka ah, taasoo keenta oxygen ta unugyada jidhka.
*Calcium* ; macdantani waxay lama huraan utahay caafimaadka lafaha iyo unug muhiim u ah habdhiska dareenka (nervous system), wadnaha, iyo murqaha.
Spinach-ka sidoo kale waxay ka koobantahay fitamiino iyo macdano faro badan oo kale sida potassium, magnesium, iyo fitamiin B6, iyo E.
Spinach-ka waxay wanaajisaa cadaadiska oksaydhka(oxidative stress), cafimaadka indhaha, iyo cadaadiska dhiiga(blood pressure), waxay ka hortagtaa cancer-ka.
Spinach-ka waxay caawisaa miisan ridista(weight loss), waxay kahor tagtaa wadno xanuunka iyo atherosclerosis, waxay kahortagtaa dhiig yaraanta( prevents Anaemia), waxay kamid tahay waxyaabaha dabeeciga ah ee kahor taga gabowga(natural anti-ageing properties).
‼️Warning ⚠️ /Digniin; hadii aad unugushahay dhagxaanta kelyaha , maadada oxalate ee isbiinajka ku badani waxay keeni kartaa in dhagxaan badan ay sameyso.
والعلم عند الله!
Smile more,
Stay happy,
Stay healthy!
Fadlan share dheh oo gaadhsii asxaabtaada haka faaidaystaane!
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the business
Website
Address
Istanbul
34290