Shamaca

Shamaca

Share

21/05/2026

Marka ay jacayl joogto oo uu qofku rabo in uu tilmaamo in uu qof kale jeclaaday, afaf badan oo uu Carabigu ku jiro waxay dhahaan JACAYL BAAN KU DHACAY (وقعت في الحب/ I fell in love). Yacnii jacaylka meeshiisa ayay ugu tageen oo ay ku dhaceen.

Af Soomaaliga, jacaylku wuxuu u eg yahay jirro/xanuun oo waxaan dhahnaa JACAYL BAA IGU DHACAY, sida 'hargab baa igu dhacay.' Marmarka qaarna sida JIN ayuu dadka galaa, 'JACAYL BAA I GALAY!' Mar kalana dhibaato camal ayuu dadka la darsaa😊. Sida ay dadku aragtiyaha u cabbiraan waa sheeko xiiso leh oo dhaqanka si fiican ula xiriirta.

Photos from Shamaca's post 14/05/2026

Ereyga BAAGAMUUNDO oo aan u naqaan qof aanan shaqaynin asalkiisu waa VAGABOND waana Talyaani (Laatiin). Wuxuu la macno yahay qof aan lahayn guri iyo shaqo. Yacni, dibjir, darbijiif, ama dagaag. Qarnigii 15-aad, Ingiriiska waxaa ka jiray sharci oggolaa in qofkii lagu helo in uu bilaa shaqo iyo hooy yahay bir kulul lagula sumadeeyo jirkiisa xarafka V sida xoolaha. V waxay u taagnayd VAGABOND. Qofkii soo sheegay (tiftifay) qofka baagamuundada ah, ee magaalada iska warwareegayay bilaa dan iyo camal ayuu sharcigu u oggalaanayay in uu labo sano addoonsado, kuna shaqaysto!

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Istanbul?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Address


Istanbul