African boy
Waa Nasiib Xumo Alle ha hanuuniyo
Nelson Mandela hogaamiyahii h**e ee dalka Koonfur Afrika markii xabsigii uu ku jiray 27 sannadood ka dib laga soo daayey ayaa waxa ugu badan ee laga filayey ama dadkii taageersanaa weydiinayeen waxa uu ahaa bal in uu caro ama xanaaq u qabo nidaamkii iyo siyaasiyiintii cadaanka ahaa ee xabsiga dulmiga ah muddada dheer ku haysay isla markaana uu raggaa ka aarsan doono.
Wax kale oo kasta waa laga filan karayey Madaxweyne Mandela laakiin dadka badankoodu k**a ay filayn ereyadii uu ku jawaabay ee ahaa, “Wax ciil ah ma qabo, cidna nacayb uma hayo. in aad cid nacayb iyo ciil u qabtaa waxa ay la mid tahay in aad sun cabto, kaddibna aad niyeysato in suntan aad adigu cabtay ay dili doonto cadowgaaga.
Dulucda waxa ay tahay in aad awood u yeelato cafiska dadku waxa ay kaa kaxaysaa culayska nafsiga ah ee ka dhasha.
JIMCO WANAGASAN 🍱🍱
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
Istanbul
34363