Alitoronto

Alitoronto

Share

23/06/2026

“Dad badan waxay ku socdaan waddo aysan garanayn halkay ku dhammaanayso,
iyagoo aamusan oo raacaya kuwa ka horreeya,
iyagoo ka baqaya inay kaligood istaagaan ama ka leexdaan safka.
Qof walba wuxuu eegayaa dhabarka kan ka horreeya,
laakiin cidna ma eegto meesha ay cagtu ku dhacayso.
Marka uu mid dhaco, kuwa kale ma joojiyaan—
waxay u arkaan wax caadi ah oo la iska dhaafo.
Noloshu ma aha tiro badan oo aad la socoto,
ee waa fahamka jihada aad qaadayso.
Mararka qaar waxa ugu adag ma aha socodka,
ee waa go’aanka aad kaga baxdo meel khaldan.
Ha noqon qof la qaado,
noqo qof doorta jidkiisa.
Ha noqon mid indhaha ka xiran,
noqo mid arka xaqiiqda ka dambaysa muuqaalka.
Sababtoo ah dhammaadka jid kasta
ma aha mid badbaado leh,
laakiin qofka fikiraya
ayaa ka badbaada meesha ay dadka badani ku dhammaadaan.”
W/Q: C/xakiin

Want your business to be the top-listed Media Company in Hargeisa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Website

Address


Hargeisa