Qardho Public Library

Qardho Public Library

Share

04/07/2021

Guddiga dhismaha Maktabadda iyo Matxafka guud ee magaalada Qardho. Ayaa maanta la kulmay mudane Ahmed Mire Maxamuud oo ka mid ah murashaxiinta utartamaya xilka golaha shacabka ee dowladda Soomaaliya.

Guddigu waxay ugudbiyeen murashaxa baahida degmada uqabto inay hesho Matxaf iyo maktabad dadwayne, iyo sida ay muhiim u tahay inuu qof walba ka qayb qaato. Sidoo kale Guddigu waxay ugudbiyeen qoondo gaar ah oo ay ka codsadeen inuu kaga qayb qaato barnaamijkaas.

Mudane Ahmed Mire wuxuu si buuxda u ballan qaaday haddii uu ku guulaysta xilka uu doonayo iyo haddii kaleba inuu ka qayb qaadan doono dhismaha Maktabadda, sidoo kale wuxuu guddiga usheegay inuu fulin doono qoondada gaarka ah ee isaga lagu soo qoray.

Photos from Qardho Public Library's post 28/06/2021

Qaar ka mid ah Guddiga dhismaha Maktabadda iyo Matxafka guud ee magaalada Qardho. Ayaa maanta la kulmay Abdullahi Farah Mire oo ka mid ah Guddiga ku meel gaar ka ah ee doorashooyinka Puntland, ahna murashax utartamaya mid ka mid ah kuraasta aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddigu waxay mudanaha la wadaageen baahida bulshada degmadu uqabto inay hesho Maktabad dad-wayne, iyo wixii Guddiga uqabsoomay ilaa iyo xilligii la magacaabay. Wuxuu ballan qaaday inuu gacan wayn ka gaysan doono barnaamijkaas, uuna mar walba garab taagan yahay bahda Waxbarashada.

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Qardho?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Website

Address


Ka Soo Horjeedka Machadka Massarida
Qardho