Healthfy
14/11/2018
Ma garaneysa Xulbada Weli Ma isticmaashay Mase ogtahay Ineey Faaido Badan leedahay?
------------------------------------------------------------------------
Xulbadu (fenugreek) waa dhir-daweed waxtar badan waxaa ka buuxo borotiin waxayna leedahay faaido nafaqo oo aad balaaran.
1-kii qaado ama malqacad oo xulbad ah waxaa ku jira nafaqooyinkan:
35.5 oo kaloori ah
6.4 garaam oo kaarbohaydareed ah
2.5 garaam oo borotiin ah
0.7 garaam oo dufan ah
2.7 garaam oo fiber ah
3.7 miliigaraam oo bir ah
21 miligaraam oo macdanta magnesium ah
32.6 miligaraam oo foosforas ah
0.1 miligraam faytamiin B6 ah
Faa’iidooyinka Caafimaad ee Xulbada
-Xulbadu waxay caawiisaa dhibaatooyinka dheefshiidka sida calool fadhiga iyo calool xanuunka.
-Xulbada waxaa ku jira maaddooyin si weyn ula dagaalama caabuqa, sidaa awgeed waxa ay si aad ah u yaraysaa caburka iyo san xiranka sidoo kale xulbaddu waxa ay soo nadiifisaa gudaha h**e ee dulka sanka, waxa aanay sideedaba u yaraysaa malaxda badan ee dulka ku abuurmaysa..
Xulbada waxaa lagu daaweeyaa qumanka qumanka.
Xulbadu waxay hagaajisaa shaqada iyo rabitaanka galmada ee ragga.
Xulbada waxaa lagu daaweeya nabraha ku samaysma dadka sonkorta qabo.
Xulbada waxay korisaa timaha, Sidoo kale waxayna ka ilaalisaa burburka iyo go’idda.
Faaidooyinka saliida xulbadu ay leedahay waxaa ka mid ah in hooyada naaska nuujiso ay caano badan u keento, haweenka caadada ku xanuunsadane in ay ka khafiifiso oo si sahlan uga timaado.
Xulbadu waxay faaido fiican u leedahay gabdhaha caatada xilliga qaangaarka maadaama ay sare u qaaddo hormoonada jirkooda ku jiro waxayna furtaa abitaytka.
Digniin: Xulbada isticmaalkeedu waxa uu khatar ku keeni karaa dumarka uurka leh maadaama oo xulbaddu soo ururiso ilmo galeenka.
Xaquuqda Qoraalka waxaa iskaleh daryeelmagazine
11/11/2018
Muhiimada Quruxda ilkaha Iyo caafimaadkoda.
-------------------------------------------------------------------------
Ilkuhu waa qayb muhiim ah oo kamid ah jirka aadanaha kuwaasoo qabta shaqo aan xubnaha kale ee jirku qaban karin, ilkuhu waa xubnaha inoo sahla inaan wax cuno, waxay kaloo noo sahlaan inaan dhoola cadayno ama qosolno, sidoo kale ilkuhu waxay kaqayb qaataan quruxda qofka. Waxaa laga yaabaa in dadka qaarkiis u maleeyaan in ilkuhu yihiin wax aan noolayn balse waa xubno nool oo dareen leh.
Marka aad fiirisid ilkahaaga waxa kuu muuqda waa wax lafo la moodo oo midab ahaan cadaan ah oo saaran ciridka korkiisa, qaybta ugu koraysa ilkaha ee kuu muuqata waxaa la dhahaa enamel waa qaybta qarinaysa unugyada iyo xididada kale ee kujira gudaha iliga, gudaha marka loosii galo ilig walba waxaa gudaha usii qodon dalool ay maraan xididada dareemayaasha. Ilig walba waxaa ku haya ciridka seedo iyo walax kale oo loo yaqaan cementum.
Ilkuhu waxay qaabtaan shaqo muhiim ah oo ay ugu horayso jarjarida hilibka iyo waxyaalaha adag, burburinta cunada, iyo calaalinta. Calaalinta waa shaqada ugu h**eeysa ee dheefshiidka cuntada, taasina waxay kuu cadaynaysaa in dheefshiidka cuntadu uusan ka bilaaban caloosha ee laga soo bilaabo ilkaha. Hadii marka koowaad aan ilkuhu soo calaalin cuntada waxaa dhib kugu noqonaya liqida cuntada.
Kahor intaa cuntada la calaalin waxaa qanjirada ku yaala afka ay soo daayaan dheecaano ka qayb qaata dheefshiidka cuntada ee afka ka bilaabanaya.
Caafimaadka afka iyo caafimaadka guud maxaa ka dhexeeya?
Baaritaano caafimaad oo la sameeyay sanadihii u dambeeyay waxaa lagu ogaaday in afkaaga oo caafimaad qabaa uu kuu horseedi karo jirkaaga oo caafimaad qaba. Taasi oo cadaynaysa in xiriir wayn ka dhexeeyo labadaan shay.
Afka waxaa lagu sheegaa inuu yahay xubinta ugu nadaafada liidata jirka oo dhan, waxaana laga helaa bakteeriyooyin badan oo keeni kara cuduro badan sida, cudurada wadnaha, sonkoroowga ,lafo xanuunka iyo kuwo kaloo badan.
Sababaha sahlaya in bacteeriyada afku ay horseedo xanuuno kale oo jirka ku dhaca waxaa weeye bacteeriyada afku waxay si sahlan ugu dhex socdaali kartaa dhiiga ayadoo markaas tagi karta xubnaha kale ee jirka.
Maxaa keena cudurada ilkaha:
Afku wuxuu hoy u noqon karaa noocyo badan oo bacteriya ah iyo noocyo kaloo badan oo fayrus iyo fungi ah kuwaas oo qaarkood keena cuduro halis ah. Sidoo kale waxaa afka laga helaa nooc bacteriya ah oo aan waxyeelo lahayn oo loo yaqaano Normal flora.
Cuntooyinka sonkortu ku badantahay ee qofku cuno waxay caawiyaan bacteriyada afka, marka labadoodu isla fal galaan waxay sameeyaan aash*to khatar ah oo burburin kara qaybta kore ee ilkaha enamel taasoo keenaysa in iligii god yeesho oo hoos u qodmo.
Sidoo kale bacteriyada ilkuhu waxay dhex gashaa ilkaha dhexdooda ayadoo ku samaynaysa walax madaw oo loo yaqaan [tooltip hint=”plaque”]belek[/tooltip] taasoo sahlaysa in bakteriyadu hoos usii gasho ciridka aakhirkiina sababto in ciridku caabuqo. Hadii caabuqan uu sii socdo wuxuu gaarayaa heer iligu kasoo dhex baxo ciridka kadibna waxaa banaanka imaanaya xididada dareemayaasha ah taasoo sababaysa xanuun xad dhaaf ah.
Sidee ilkahaaga iyo afkaagaba uga dhigi kartaa kuwa caafimaad qaba?
Af caafimaad qabaa wuxuu horseedaa jir caafimaad qaba. Hadii aad rabtid inaad caafimaadka adkaaga, iyo jirkaagaba wanaajisid waa inaad qaadataa taladaan;
Waa inaad ku dadaashid cadayga ilkaha ugu yaraan labo jeer maalin walba
Ka dheerow mukhaadaraadka
Ku caday ilkahaaga dawada ilkaha waayo waxaa kujira maadooyin la dagalama bacteriyada
Isticmaal shay nadiif ah oo dhuuban hadaad rabtid inaa nadiifisid ilkaha dhexdooda iyo meelaha aan cadaygu gali karin
Hadii aad awoodid u tag dhakhtarka ilkaha sandkii labo jeer si loo hubiyo caafimaadka ilakaha
Iska ilaali cuntooyinka sonkorta badan iyo kuwa dufanka badan
Ku dadaal cunista cunooyinka dabiiciga ah iyo qudaarta
Ku dadaal cabida caanaha ay ku yartahay sonkorta iyo dufanku si aad u heshid maadada kalshiyam-ta.
Xuquuqda Qoraalka Waxaa iskaleh barocaafimaad
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Muqdisho
252
Opening Hours
| Monday | 00:00 - 23:59 |
| Tuesday | 00:00 - 23:59 |
| Wednesday | 00:00 - 23:59 |
| Thursday | 00:00 - 23:59 |
| Friday | 00:00 - 23:59 |
| Saturday | 00:00 - 23:59 |
| Sunday | 00:00 - 23:59 |