Tusmo Youth Development Organization
20/03/2026
Tusmo Team oo ciid wanagsan idinka soo leh duuleedka magalada muqdisho ayagoo gudanaayo wajibaadka ka saaran dalka, diinta iyo dalkaba.
Waxee cawin buuxdo siinayaan dadka danta yar.
Ciid wanagsan.
"Ciid Mubarak! Maanta waxaan farxadda ciidda la qaybsannay carruurta agoonta ah iyo kuwa danyarta ah, annagoo gaarsiinnay dharkii ciidda si ay u dareemaan quruxda maalintan. Waxaan leenahay: 'Jazaakumullaahu Khayran' dhammaan walaalihii gacan ka geystay mashruucan, idinkoo raacaya dardaarankii Nabiga (NNKH) ee ahaa: 'Aniga iyo qofka agoonka kafaala-qaada Jannada waxaan u jiri doonnaa sida labadan farood.' Illaahay ha idinka abaal-mariyo farxadda aad geliseen qalbiyada carruurta. Ciid wanaagsan dhammaantiis!"
19/03/2026
Waxaan halkan hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobi karin uga diraynaa dhammaan maamulka iyo xubnaha Ururka Tusmo, kuwaas oo dhabarka u ritay mas'uuliyadda weyn ee ah farxad gelinta carruurta agoonta ah, rajada, iyo kuwa danyarta ah munaasabadda Ciidda.
Dadaalka aad u gasheen in carruurtaas ay la ciidaan asaaggood, iyagoo xiran dhar cusub oo qurux badan, waxay tusaale u tahay naxariista iyo isku-duubnida bulshada. Ma jirto farxad ka weyn in la arko dhoolla-caddaynta carruurtaas danyarta ah ee maanta dareemaya in aan laga tegin.
Waxaan leenahay: Ciid Mubarak!
Ilaahay ha idinka abaal-mariyo dadaalkaas, carruurtana ha u barakeeyo dharka iyo farxadda aad u horseeddeen.
18/03/2026
Maalintii 29aad barnaamijkii afuri walaalka ee sanadkeeni 8aad bisha barakeesan ee ramaadaan Alle wuxuu inoogu soo dhameeyey si nabad ah.
Barnaamijkaan ayaa socon doono guud ahaan bisha Ramadan
Ka qayb qaado walaal xoog iyo xoolo wixii aad awoodo
Kala xiriir +252772073810
"Ciid Mubaarak dhamaantiin! 🌙✨
Ururka Tusmo wuxuu idinla wadaagayaa diyaar-garowga iyo farxadda maalmaha Ciidda. Maanta waxaan idinla wadageyna diyar garowga maalmaha ciida
18/03/2026
Maalintii 28aad barnaamijkii afuri walaalka ee sanadkeeni 8aad bisha barakeesan ee ramaadaan Alle wuxuu inoogu soo dhameeyey si nabad ah.
Barnaamijkaan ayaa socon doono guud ahaan bisha Ramadan
Ka qayb qaado walaal xoog iyo xoolo wixii aad awoodo
Kala xiriir +252772073810
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the organization
Telephone
Website
Address
Maka-almukarama Street, Waberi Disrict Mach Village
Mogadishu