Deero Enterprise
๐โจ๐๐ฒ๐ฒ๐ฟ๐ผ ๐๐ป๐๐๐ถ๐๐๐๐ฒ ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฒ: ๐๐ถ๐ฏ-๐-๐๐ฎ๐ฏ๐ฒ๐๐ป ๐๐๐๐๐ฏ
Deero Advert waa xarun hormuud u ah horumarinta xirfadaha oo in ka badan 6 sano u adeegaysay bulshada Soomaaliyeed, isla markaana tababartay 2,400+ xirfadlayaal. Sanadka 2026, waxay la timid dib-u-habeyn weyn iyo adeegyo cusub si loo xoojiyo kartida iyo hibada dhalinyarada Soomaaliyeed.
Barnaamijyada cusub waxaa ka mid ah koorsooyin xirfadeed oo si toos ah ula jaanqaadaya baahida suuqa shaqada, seminaaro bilaash ah oo diiradda saaraya xirfadaha, suuqa shaqadda iyo ganacsiga, tartamo hal-abuur leh oo abaalmarino wata, mentorship xirfadeed, iyo madal dijital ah oo fududeynaysa wadaagista aqoonta.
Haddii aad rabto inaad kobciso xirfadahaaga oo aad diyaar u noqoto mustaqbal ifaya, hadda ku soo biir Deero Institute kana faaโiidayso fursadahan cusub!
๐ซต ๐ Maxaad sugeysaa? Ku soo biir Deero Institute maanta!
โฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆ..
๐ ๐ก๐ฎ๐ด๐ฎ๐น๐ฎ ๐๐ผ๐ผ ๐
๐ถ๐ฟ๐ถ๐ถ๐ฟ:
๐ Phone: +252618553566
๐ฌ WhatsApp Link: https://wa.link/r22kjk
๐ Xarunta Dhexe: Digfeer, Degmada Hodan, Muqdisho
23/04/2026
๐๐ป๐๐ฒ๐ฟ๐ป๐ฎ๐๐ถ๐ผ๐ป๐ฎ๐น ๐๐ถ๐ฟ๐น๐ ๐ถ๐ป ๐๐๐ง ๐๐ฎ๐ ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฒ๐ป๐โจ๐ฉโ๐ป
Gabdhaha waa tiirka hal-abuurka, horumarka, iyo isbeddelka dijitaalka ah ee maanta iyo berri. Maalintan qiimaha leh waxay muujinaysaa doorka muhiimka ah ee gabdhuhu ku leeyihiin horumarinta tiknoolajiyadda iyo dhismaha bulsho aqoon ku dhisan oo loo siman yahay. Waa fursad lagu xoojinayo ka qaybgalka gabdhaha ee ICT.
Shirkadda Deero, iyada oo kaashanaysa qeybteeda Deero Institute, waxaa naga goโan inaan xoojino taageerada gabdhaha ku jira ICT, annagoo siinayna fursado waxbarasho, tababaro xirfadeed, iyo helidda teknoolajiyada casriga ah. Dhiirrigelinta gabdhaha inay ku biiraan sayniska iyo tiknoolajiyadda waxay horseed u tahay koboc waara. Waxaa muhiim ah in la abuuro deegaan dhiirrigelin leh oo kobciya kartidooda.
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan hablaha Soomaaliyeed ee ku jira ICT-ga, kuwaas oo si geesinimo leh u matalaya hal-abuurka iyo horumarka dalka. Dadaalkiinna iyo kartidiinnu waa iftiin horseed u ah mustaqbal dijitaal ah oo ifaya.
Ugu dambayn, waxaan ku boorinaynaa gabdhaha Soomaaliyeed inay rumaystaan awooddooda oo ay raacaan riyadooda. Mustaqbalka ICT wuxuu u baahan yahay hal-abuurkooda iyo geesinimadooda.
Deero Enterprise = Deero Advert, Deero Institute iyo Raadsan Tech
21/04/2026
๐โจ ๐๐จ๐ซ๐ฅ๐ ๐๐ซ๐๐๐ญ๐ข๐ฏ๐ข๐ญ๐ฒ ๐๐ง๐ ๐๐ง๐ง๐จ๐ฏ๐๐ญ๐ข๐จ๐ง ๐๐๐ฒ.
Maanta oo kale, 21-ka Abriil, dunidu waxay u dabbaaldegtaa Maalinta Hal-abuurka iyo Hindisaha Adduunka (World Creativity and Innovation Day). Waa maalin lagu xuso muhiimadda ay hal-abuurka iyo fikradaha cusub u leeyihiin horumarka aadanaha iyo xallinta caqabadaha jira.
Anaga oo ah Deero, waxaan aaminsanahay in hal-abuurku yahay wadnaha ganacsi kasta oo guulaysta. Mar walba waxaan diyaar u nahay inaan fikradahaaga u beddelno xaqiiqo dhab ah, annaga oo ku siinayna xalal kala duwan oo hirgelinaya aragtidaada.
๐ Hambalyo dhammaan hal-abuurayaasha Soomaaliyeed!
Ha joojin inaad dunida ku soo kordhisaan wax cusub oo qiimo leh.
Deero Institute, Deero Advert, Raadsan Tech
19/03/2026
๐๐ถ๐ถ๐ฑ ๐ ๐๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ธ ๐๐ ุนูุฏ ู
ุจุงุฑูุ ูู ุนุงู
ูุฃูุชู
ุจุฎูุฑ โจ
Shirkadda Deero waxay hambalyo u diraysaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed. Waxaan leenahay Ciid wanaagsan, Alle ha naga aqbalo acmaashii suubbaneed ee Ramadaan.
๐คฒAllaha naga dula qaado abaarta iyo roob laโaanta nahaysato, waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqeynaa inay isku gurmadaan, is kaashadaan, iskuna duceyaan.
Deero Advert, Deero Institute, Raadsan Tech
13/12/2025
๐๐๐ง๐ฎ๐ฎ๐ฏ๐ฎ๐ด๐ฒ๐น๐ถ๐ป๐๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐๐ฎ ๐ค๐ฎ๐๐ฏ-๐พ๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐๐ต๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐๐ต๐ฎ๐ฐ๐ฑ๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐ฆ๐ผ๐บ๐ก๐ข๐๐ด
Deero Advert, oo ka tirsan Deero Group, waxay ku faraxsan tahay inay sanadkii 10-aad si joogto ah u garab taagan tahay bahda Somali Network Operators Group, Annagoo kaalin muuqata ka qaadanayna taabagalinta shirka 8aad. waxaan bahda SomNOG uga mahadcelineynaa abaalmarinta ay siiyeen Deero Advert, waana ku mahadsanyihiin.
Deero waxay si qoto dheer u rumeysan tahay in isku-tiirsanaanta iyo wada-shaqeynta bulshadeennu aytahay furaha horumarka, isku-filnaanshaha, iyo kobaca dalkeena. Sidaas awgeed, waxaan si joogto ah u taageernaa shirarka aqoonta, wadaagista fikradaha, iyo iskaashiga bulshada. Deero mar walba waa diyaar inay ka qayb qaadato, taageerto, isla markaana wax walba u hurto dadaallada horseedaya horumar, hal-abuur iyo isku-tiirsanaan bulsho sida Somali Network Operators Group.
Waxaan mahadnaq ballaaran u diraynaa Maamulka SomNOG8, shirkadaha taba galiyay, iyo dhammaan cid kasta oo ka qayb qaadatay habsami u socodka SomNOG8. Sidoo kale, waxaan si gaar ah ugu mahadcelineynaa kooxdeena hal-abuurka leh, oo shaqo adag ka qabatay nashqadeynta, duubista, tafatirka muuqaalada, iyo kor u qaadista bilicda shirka, taasoo si weyn uga gacan siisay guusha SomNOG8. Waad ku mahadsan tihiin dadaalkiinna iyo kartidiinna.
Deero Group: Deero Advert Deero Institute & Raadsan Tech
24/11/2025
โจ ๐๐ต๐ถ๐ฏ๐ฟ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐๐ฒ๐ฒ๐ฟ๐ผ ๐๐ฎ๐ฎ ๐
๐ฎ๐น๐ธ๐ฎ ๐๐ผ๐ผ ๐บ๐๐๐พ๐ฎ๐๐ต๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐ด๐ฎ๐ป๐ฎ๐ฐ๐๐ถ๐ด๐ฎ๐ฎ๐ด๐ฎ!
in ka badan mudo 6 sano ayaan ku jirnaa suuqa hal-abuurka iyo xayaysiinta dhijitaalka dalka, taas oo aan ka dhaxalnay karti, waayo-aragnimo iyo hal-abuur sare oo aan ugu adeegno ganacsiyada doonaya isbeddel muuqda.
Deero Advert waa halka aad ka helayso isku-darka xeelad sare, waayo-aragnimo, hal-abuur iyo hufnaan si aan kuu siino adeeg ka sarreeya filashadaada. Waxaan kuu sameyneynaa suuqgeyn dhijitaal ah, naqshad hal-abuur leh, mareeg casri ah, iyo muuqaal soo jiidasho leh. ๐ค ๐ ๐ฎ๐
๐ฎ๐ฎ๐ฑ ๐๐๐ด๐ฒ๐๐๐ฎ๐ฎ?๐ Nagu soo biir oo bilow bogga guulaha ganacsigaaga.|
Deero Enterprise Deero Advert Deero Institute Raadsan Tech
โฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆ
๐ฌ๐ค๐ก๐ฎ๐ด๐ฎ๐น๐ฎ ๐๐ผ๐ผ ๐
๐ฎ๐ฟ๐ถ๐ถ๐ฟ:
๐ WhatsApp: https://wa.link/60m4c5
๐ Website: www.deeroadvert.so
๐จ Portfolio: https://www.behance.net/deeroadvert
๐ Xarunta Dhexe: Digfeer, dhabarka dambe ee Hayat Mall, Degmada Hodan, ama Laanta 2aad: Agagaarka Sigooyinka Shaqaalaha, Degmada Waaberi, Muqdisho.
20/11/2025
โ๐๐๐๐๐ฅ๐ข๐ง๐ค๐๐๐ง ๐๐ฅ๐ฅ๐จ๐ฐ ๐ค๐๐๐ฅ, ๐ฆ๐๐๐๐ฅ๐ข๐ง๐ค๐ข๐ข๐ฌ ๐๐ฅ๐ฅ๐จ๐ฐ ๐ค๐๐๐ฅ.โ โจ ๐
Waxaan u direynaa hambalyo dhammaan macallimiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan macallimiinta Deero Institute, munaasabadda maalinta macalinka Soomaaliyeed ee 21-ka Nofeembar.
Macalinka Soomaaliyeed waa barbaariyaha, dhisaha, iyo hagaha jiilka mustaqbalka hoggaamin doona dalkeena. Hambalyo Macalin! โจ ๐๐จโ๐ซ๐ฉโ๐ซ
Deero Advert Deero Institute Raadsan Tech
10/11/2025
๐๐ Hambalyo Ayub Abdullahi ๐๐
Waxaan hambalyo iyo bogaadin wadajir ah u direynaa Ayub Abduallhi Isck oo soo gabagabeeyay heerkii 1aad ee waxbarashada, Bachelor of Computer Science, ee Somali International University - SIU, Ayub Abduallhi wuxuu kamid yahay howl-wadeenada Deero ee ugu kartida iyo firfircoonida badan, sidoo kale waa hogaanka waaxda dhisda iyo hurumarinta mareegaha ee Deero Advert.
Markale, waxaan leenahay hambalyo, Ayub Abdullahi! Halkaas kasii wad dadaalkaaga iyo horumarinta naftaada. Sidoo kale, waxaan hambalyo u direynaa dhammaan qalin-jabiyayaasha Jaamacadda Somali International University (SIU). Waxaan idiin rajeyneynaa guul iyo horumar wanaagsan! ๐๐
24/08/2025
Hambalyo dhammaan ardayda ka gudubtay Imtixaanka Qaranka ee Dugsiga Sare!๐ธ๐ด๐
Waxaan idin rajaynaynaa in wajiga xiga ee safarkiinna uu noqdo mid guul leh, horseedna u noqda kobac iyo fursado horumarineed oo dalkeenna. Xaqiiqdii waxaad xaqiijiseen guul weyn oo mudan in lagu farxo. Hambalyo mar kale!
________
14/08/2025
Hambalyo 14-ka Agoosto Shacabka iyo Dowladda Galmudug. ๐๐๐ฅณ๐ธ๐ด
Dowlad Goboleedka Galmudug waxey aas-aas u tahay midnimada, nabadda, iyo horumarka Soomaaliya cusub ee dib loo yagleelayo. Waxaan rajeynayaa in Galmudug ay sii horumarto oo ay door muhiim ah ka qaadato dowlad-dhiska iyo mustaqbalka ifaya ee qarankeenna.
Umadda galmudug iyo dhamaan Soomaali weyn guul baan u wada rajeyn.
Deero Advert, Deero Institute & Raadsan Tech
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
HQ Digfeer Road, Hodan District
Mogadishu