Somali Medical Association
Muqaalka guud Barnamijka : WACYIGELIN KU SAABSAN CUDURKA FAYRASKA EBOLA
Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed (SMA) iyo Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya waxay bulshada ku boorrinayaan inay kor u qaadaan wacyigelinta ku saabsan cudurka Ebola, si loo yareeyo khatarta faafitaankiisa loona ilaaliyo caafimaadka bulshada.
Aqoonso Calaamadaha Ka Hortag Faafitaanka Badbaadi Nolosha
Wacyigelin maanta = Badbaado berrito.
Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed (SMA) & Wasaaradda Caafimaadka soomaaliya S See less
14/10/2026
Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed (SMA), Wasaaradda Caafimaadka, Agaasinka Caafimaadka Gobolka Banaadir iyo Isbitaallada Gaarka loo Leeyahay ayaa maanta si wadajir ah u qabtay kulan wacyigelin iyo is-weydaarsi aqooneed oo ku saabsan fayraska Ebola (Ebola Virus Disease).
Kulankan oo muhiimad weyn u leh badqabka bulshada iyo diyaar-garowga xarumaha caafimaadka, waxaa lagu falanqeeyay aqoonta ku saabsan fayraska Ebola, hababka looga hortago faafitaankiisa, aqoonsiga calaamadaha looga shakiyi karo iyo tallaabooyinka habboon ee ay tahay in la qaado marka la tuhmo kiis.
Kulanku wuxuu sidoo kale xoojiyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta bahda caafimaadka, feejignaanta shaqaalaha caafimaadka iyo in la helo xog sax ah oo ku saleysan aqoon iyo taxaddar.
13/10/2026
ππ°ππ«ππ§ππ¬π¬ :
ππππππππ ππππππ ππ β πππππππ ππππππππππππ πππππππ πππππ.
Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed (SMA) iyo wasaradda caafimaad Ka soomaaliya iyo Agaasin ka Caafimaad Ka Gobolka Banadir iyo Isbitaalada gaar loo leyahay waxay si sharaf leh ugu casuumayaan dhammaan bahda caafimaadka Soomaaliyeed inay ka soo qaybgalaan kulan wacyigelin iyo kor u qaadist aqoonta ku saabsan cudurka halista ah ee Ebola Virus.
Dhamaan Dhakhaatiirta iyo xirfadlayaasha caafimaadka, Ardayda jaamacadaha iyo kulliyadaha caafimaadka, Maamulka iyo shaqaalaha isbitaallada dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay, (Private Hospitals), xarumaha caafimaadka iyo Ururrada caafimaadka iyo dhammaan daneeyayaasha caafimaadka bulshada.
ππππ«π’π’π€π‘: Arbaco, 14 Oktoobar 2026
πππͺππ’π π: 3:00 galabnimo
ππ¨π¨πππ : Nova Hall
11/10/2026
Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed (Somali Medical Association) wuxuu ku faraxsan yahay ka qaybgalka Dr. Farah Yusuf Farah, Pathologist, iyo Dr. Mohamed Abdullahi Ali, Medical Oncologist, ee Africa Best of St. Gallen Conference 2026, oo lagu qabtay Qaahira, Masar.
Labada dhakhtar waxay shirka ka soo jeediyeen bandhigyo cilmiyeed (presentations), waxayna ka qayb qaateen guddoominta kulamada (chairing), doodaha khubarada (panel discussions), iyo African Breast Cancer Consensus Forum, oo diiradda lagu saaray sidii talooyinka caalamiga ah ee kansarka naasaha loogu waafajin lahaa xaaladaha Afrika.
Category
Contact the practice
Telephone
Website
Address
Jowhara Apartments, Block D, Room 2, KM5, Hodan District, Mogadishu/
Mogadishu
Opening Hours
| Monday | 09:00 - 17:00 |
| Tuesday | 09:00 - 17:00 |
| Wednesday | 09:00 - 17:00 |
| Thursday | 09:00 - 17:00 |
| Saturday | 09:00 - 17:00 |
| Sunday | 09:00 - 17:00 |
Alerts
Be the first to know and let us send you an email when Somali Medical Association posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.