Xamar cade
Alloow caasimadeen iyo dalkoo dhan dhan walba horumar gaarsii.
!!!!!!!!!!! Qish yar oo qiimo leh maku siiyaa ?????
---------------------------------------------------------------------------
Maalinta iyo habeenku waa isku 24 saac. Meel laga kordhiyana ma jirto. Wax kastoo dunida ama noloshaada ku soo kordha intaas ayay wax karabaan. Waxaa taa kaaga filan Social mediaha oo mudo yar ka hor aadan waqti ku lumin jirin. Sida muuqata annagoo awalba iska liidanay ayaan waqtigii Janno lagu raadin lahaa siyaabo kale u meelaynay. Laakiin waxaan arkay xadiithkan hoose oo tilmaamaya in waxyaabaha ugu badan ee dadku jannada ku galaan ay yihiin cabsida Alle iyo dabeecadda wanaagsan.
Annagoon cabsida Alle illoobayn aan isku dayno inaan dabeecadda wanaajinno bal inaan kasoo kabano gaabiska aan ka gaabinnay inaan ka faa'iidaysano waqtiga.
وعن أبي هريرة رضي الله عنه قال: سئل رسول الله صلى الله عليه وسلم عن أكثر ما يدخل الناس الجنة ؟ قال: تقوى الله وحسن الخلق ....) رواه الترمذي وقال: حديث حسن صحيح.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Telephone
Website
Address
Wadada Makka Al Mukarrama
Mogadishu
30