Hosh Awjamac

Hosh Awjamac

Share

Photos from Hosh Awjamac's post 20/07/2022

'.......................................................................
Waa nasiib darro in Madaxwayne H.E Ahmed Mohamed Islaam uu marwalba qabto wax uu ugu yeeray dib u heshiisiin, bal hadda kulan ka dhacay kismaayo oo ay ku kulmeen inti Madaxwaynaha la safneed miyaa reer Gedo matali karto. miyaa loogu yeeri karaa dib u heshiisiin? Ma sidaas ayuuba isleeyahay way ku qabsoontay dib u heshiisiinti u ku baaqayay, waa noocaas dib u heshiisiinta uu Madaxwaynahu ku taamaya.
Madaxwaynaha waxaa la gudboon in uu xaqiiqda wajaho oo uu qabto dib u heshiisiin dhab ah.
Cc
Jubaland State House

Photos from Hosh Awjamac's post 24/12/2021

#
Waxa aan ugu hambalyeynayaa walaashey qalin-jabinta Jaamacadda heerkeeda koobaad ee Maamulk Guud ( Bachelor of Public Admiistration).
Walaale Allahaa kuu barakeeyo cilmigaad baratey, waxa aana kuu rajeynyaa guulo badan.

08/12/2021

#
Bal Kawaran qof marka uu awood leeyahey sameeya dulmi ama ku garab istaaga dulmiga reerkiisa, kooxdiisa iyo Saaxiibadii, Marka uu haleelo laftigiisa isla_dulmigii uu sameyn jiray, uu noo sheego in uu dulmane yahey oo aysan xaq ahayn waxa lagu sameynayo, walibo uu dadka iyo dalkaba kharibayo.
1.Tusaale, bal dib u fiiri, cadaalad daradii ay samaysay dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh ee ahayd boobka xildhibaanada iyo Boobka hantida dadwaynaha, sida dhulkii gegida dayuuradaha u dhawaa, Maantey iyagi ayaa ka sheeganaya isla_dulmigii oo kale oo waxa ay ina leeyihiin kuraas ayaa inagala boobayaa ama hanti baa inagala dhacayaa.
2.Tusaale, kale, dib u xasuuso, dulmigii Is_doorashadii Madaxweyna Axmed Madoobe oo ay garab istaageen dad badan oo siyaasiyiin iyo ehelba lahaa oo Maantayna isla iyagii innoo sheegaya in lagu samaynaya dulmigii ay samayn jireen.
3. Hadda Waxaa gardarro wado Dowladda xilligaan jirto oo ay ugu horreeyaan boobidda xildhibaanada in kastoo maamuladana ay dhinacooda wax ka boobayaan.
Su'aashu waxa ay tahey haddii uu dulmigu yahay xalaal xilligaaga , sideen kaaga yeelnaa in uu xaaraan yahay marka uu dulmigii adiga kugu yimaado.
Waxa aad arki doontaa kuwa maantay dulmiga taageeraya oo beri innooga cabanaya in isla dulankii.

DIID DULMIGA MAALINKAAD AWOOD LEEDAHAY INTA AANAN LAGU DULMININ
Mr. HOSH

Photos from Hosh Awjamac's post 29/11/2021

Mudane Raisal Wasaare Mohamed Hussein Roble Waxba ha'isku xiijinin hufnaanta doorashada, Sababtoo ah surtagal ma'ahan in uu dhurwaa u cadaalad sameeyo ariga qoysaska dariska wada ah.
Doorashada waxa loo dadbayey ayaaba ahayd in aysan u dhicin si hufan , waxa uuna boobka soo billaabmey marki aqalka sare la billaabey mana suurtagaleyso in loo helo hufnaan kuraasta harsan.

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Website

Address


Mogadishu