Rahmo Omar

Rahmo Omar

Share

22/10/2024

30 days Challenge

Challenge kaan waa mid cibaado Isla markana aan ku sameyneyno isbadal shaqsiyadeed haddii aad horay usameyn jirtayna koleyba waad garan kartaa Faaidada aad ka heshay

Waxaan ku tartameynaa qodobada soo socda:
1 Astaqfarta 500 ah
2 Saliga nabiga SCW 500 ah
3 salaada oo waqtigeeda lagu ilaaliyo
4 30 socod ah
5 akhrinta ama dhageysiga suuratul baqara qof walba siduu awoodo
6 akhrinta book inta page aad awoodo
7 tukashada salaatul laylka oo ah mida kaliya aad rabno inan kula qabsano tartankaan

Qof walba waa uu ka qeyb qaadan karaa tartankaan 📚
Siaan kugu darno group ka what's app kan kuso dir numberkaga +252614923757

16/09/2024

Misaan kordhin (Weight gain)

Marka aad rabto inaad si cafimaad leh u kordhiso misaankaga
Waxaad cunta hilibka cad sida doorada iyo kaluunka .

Hilibka cas ama gaduudan iska dhaaf ama yareey isbuucii halmar waad ka qaadan kartaa

Ukunta waa protein aadna ugu wanaagsan qofka cafimaadkiisa waad isticmaali kartaa xitaa seddex waqti maalintii miisaankana wey kordhisaa

Sido kale muuska waxa uu qani ku yahay potassium waxa uuna aad u kordhiyaa qofka miisaankiisa waxa kaloo laga helaa nashaad iyo fir-fircooni xitaa ilmaha yar ee muuska cunaa wuu ka fir-fircoonyahay kan aan cunin

Sido kale looska iyo qunbaha ayagana waxaa ku jira saliido dabiici ah oo cafimaad ahaan u wanaagsan cabitaan iyo cunto waad ka dhigan kartaa waxa kalo meesha ka marnen salarka qeybihiisa kala duwan

Fg: qofka misaanka korshinaayo wax kasta wuu cuni karaa inta aan kor ku xusay waa inta ugu wanaagsan cafimaad ahaan

Rahmo Omar ✍️

14/09/2024

Weight loss markii aad sameyneyso waxa aad iska yareysaa cunista hilibka noocyadiisa kala duwan
Waxa kalo iska yareysaa ayagana muuska iyo ukunta

Waxaad isticmaali kartaa salarka qeybihiisa kala duwan sida barbarooni, qajaar, asalaato,sibirsaani,

Dhanka fruits ka ayagana waxaad isticmaali kartaa avocados 🥑 isbandhes, canbo, tufaax liin macaan,

Fg fruits waxaad aad u isticmaali kartaa tufaax iyo liin macaan waxaadna sido kale yareysaa qunbe (coconut 🥥) iyo moos ka

Cunto waxaad isticmaali kartaa qamadi, galay, cadas.

Bariis iyo baasto wax yar waad ka qaadan kartaa
Waxaadna aad iskaga ilaalisaa baastada

Rahmo Omar ✍️

14/09/2024

Iska war qabka labada waalid ayaa ah badbaadinta ubadka

Aabe hadduna hooyo si wanagsan ugu war heyn waa dhibaato aad u weyn lakin anaga anaan ku baraarugsaneen

Sida aad xaaska ugu naxariisato, u ixtiraamto, u quruxsato
Ayuu ilmahaagana u noqonaa ilmo wanaagsan naftiisa kufilnaada wax tar uleh qoska iyo bulshada

Ilmahaaga haka sugin wanaag iyo hor mar haddaanu intaas adigu siinin hooyadood!

Hooyo faraxan waa family faraxan

Rahmo Omar ✍️

10/09/2024

Xiriirka ka dhexeeya waalidka iyo caruurta 95% waxaa go'aamiya waalidka mar walba caruurtada waxa ay kugula dhaqmi donan sida aad adiga bartay sidad ubarbaarisay

Sawabto ah caruurta mar walba waa kuwa la dhalay waa kuwa yar-yar waa kuwa nugul waa kuwa caqli ahaan aanan isku filneyn sidas darteda wadada adiga tusto ayee marayaan mid wanaagsan ama mid xun

Xiriirka kaala dhexeeya caruurtada adiga wanaajin kara adigaana xumeyn kara haddii aad rabto canugaaga inuu kugu kalsoonaado marka h**e adiga ku kalsoonow hadda rabto inu ku aamino adiga aamin run inuu ku sheego hadda rabto adiga usheek hadda rabto inuu kula tashado adiga la tasho hadda rabto inuu kuu unaxariisto adiga hakaa helo sido kale hadda rabto inuu ku dhego nuglaado adiga usamey marka h**e

Caruurtada waa masuuliyadada waa kuwa alle kaala xisaabtami doono si wanaagsan utarbiyey la saaxiib la tali waani adigo dhanka wanaagsan wax ka tusaayo mar walba
Ka ilaali erayada xun ka ilaali negative ka
Noqo waalid wax kasta ka fiiriya dhanka positive ka
Caruurtada uducey mar walba waalidka ducadoda waa aqbal

Rahmo Omar ✍️

09/09/2024

Waxaadan waxba ka qaban karin isaga tag sawabto ah waxaa ku dhumaayo qofnimadada maxaa yeelay waxad leedahay nolol kuu qaas ah waxa tahay shaqsi kaliya waxaa lagayaaba inaad dad kale masuul ka tahay ama caruur aad leedahay

Marka inaad shaqsiyadada weyso haka shaqey culeys aanan qaadi karin ha isasaarin wixii aad awoodo qabo waxa kale ka tag qalbigana ka saar oo haku heysanin gudaha waayo qofka waa gudahiisa ee maahan banaanka waxa ka muuqdo

31/08/2024

Sanadka 2024 waxaa ka haray oo kaliya waa afar bilood taas oo u dhigmata sanadka oo dhan markii seddex milood loo qeybiyo hal meyl maku hirgaleen qorshahaaga sanadlaha ahaa mise sidaan ayuu waqtigu kugu dhaafay

Haddaba wili waqti ayaad heysataa bilow maanta wax badan ayaad qabsan kartaa

Qorsha cad sameyso meel ku qoro kadibna ubilaw sida ay ukala muhiimsanyihiin wax un waad qabsan kartaa sanadkaan sii dhamaanayo hasugin inta laga gaarayo 2025

Kac qabso waxa ku anfacayo wax badan waad ka gaartaa

Rahmo Omar ✍️

22/08/2024

Aqrinta buugagta waa jimicsiga maskaxda
Sido kale waa hormarinta nafta
Sameyso waqti aad wax ku aqrido oo maalinla ah
Xitaa ha yaraado waqtigaas isbar inaad wax un aqrido waad la qabsan dontaa

Wax walba oo cusub waqti ayee ubaahanyihiin
Sido kale joogteyn

Haddad rabto caado wanagsan inaad dhisto ku dadaal joogteynta
Mar kastana wax yar ku bilaw si aanad u nicin waxa aad qabaneyso

Rahmo Omar ✍️

Photos from Rahmo Omar 's post 25/07/2024

Buugaan marka aad aqrineyso kuma caajiseysid waxaad modaa inaad qof wax ushegeyso ama aad khudbad jeedineyso

Xitaa haduu wax aqrisku kugu adagyahay waad jeclaaneysaa aqrinta ee tijaabi buugaan

Wuxuuna u qoranyahay qaab fudud

21/07/2024

Haddii aadan garaneynin meesha aad usocoto xitaa waxaa adkaan doonto inaad hesho caawinaad

Sidaas darted wxaa muhiim ah inaad yeelato hadafyo qoran

Photos from Rahmo Omar 's post 19/07/2024

Sida uu jirkeenu exercise ugu baahanyahay ayee maskaxduna ugu baahantahay

15 daqiiqo xitaa kasii waqtigaaga wax aqrisku maalintada waad ka mahdin doontaa midaa

Haddii aad laqabsato waad kasii badin dontaa
Ilaa heer waxaad gaaree aanad ka maarmin inaad wax aqriso moyee

Marka aad ku cusubtahay aqrisku aqri waxa aad jeceshahay
Iyo buugaagta fudud

Sida midkaan oo kale 👇

11/07/2024

Maxaad isleedahay wey sababaan isfaham darada ka dhaxeysa waalidiinta iyo ubadkooda waayadaan danbe?

Hal iyo labo wax inoogu sheeg

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Website

Address


Somaali
Mogadishu