Cilmi-Kaab Foundation
Warbixin dhamaystiran:
Xubin ka mid ah hawlwadeennada ELMIKAAB FOUNDATION Dek Dahir Jama ayaa bixinaya faahfaahin ku saabsan hawlihii taakuleynta ahaa ee ay madashu ka fulisay deegaanka, kuwaas oo isugu jiray biyagalinta, Solar System (tamarta qorraxda) iyo Printing System (qalabka daabacaadda), kuwaas oo si rasmi ah loogu wareejiyey maamulka iskuulka.
13/01/2026
Cilmi-Kaab Foundation
Ururka CIlmi-Kaab Foundation, ayaa si rasmi ah ugu deeqday qalab waxbarasho iskuulka santarka Gaxandhaale ee degmada Gallaadi ee gobolka Doollo. Qalabkaas oo ka boobnaa solar System, printing iyo Computer. Kuwaas oo wax weyn ka tari doona horumarinta iyo tayeynta waxbarashada iskuulka.
Deeqdan ayaa ujeeddadeedu tahay in la fududeeyo helitaanka adeegyada waxbarasho, lana xoojiyo kaabayaasha aasaasiga ah ee iskuulka, sidii ay ardaydu u helaan goobo waxbarasho oo casri ah.
Madasha Cilmi-Kaab Foundation, waxay mar walba u taagan tahay taageeridda waxbarashada, horumarinta bulshada, iyo ka qayb qaadashada mashaariicda wax-ku-oolka ah ee kor u qaadaya mustaqbalka jiilka soo koraya.
Ugu dambayn, Ebbe haka ajarsiiyo dhammaan dadkii ka qayb qaatay hirgelinta mashruucan, kana dhigo mid kheyr iyo horumar u horseeda iskuulka, ardayda iyo guud ahaan bulshada.
23/12/2025
URURKA CILMIKAAB FOUNDATION
——————————————————
Ururka Cilmi-Kaab Foundation ayaa mashruuc biyo-gelin ah ka fuliyay School-ka Santarka Kaxandhaale kaas oo ay baahi wayn u qabeen bulshada degaanka iyo ardayda Schoolku.
Mashruucan oo ay ka qayb-qaateen dhalinyarada degaanka, mas’uuliyiin dowladeed iyo qurbo-joogtu ayaa bar-bilow u ah mashaariic dhowr ah oo uu Ururku u qorsheeyay School-ka Kaxandhaale.
Waxaan ka Urur ahaan u mahadcelinaynaa ka qayb-qaatayaashii mashruucan, waxaana ugu yeeraynaa cod dheer cid kasta oo jecel in ay nagala qayb-qaadato waxqabad isku-tashi oo heer degaan ah.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Telephone
Website
Address
Hodan Street
Mogadishu