Uniso-FECSSA

Uniso-FECSSA

Share

18/12/2025

πˆπππ€π€ π‹πˆπ‹π‹π€π€π‡πˆ 𝐖𝐀 πˆπππ€π€ πˆπ‹π€π˜π‡πˆ π‘π€π€π‰πˆπ‚π”π”π!

Guddoomiyaha, Guddoomiye ku-xigeennada, iyo dhammaan ardayda Ururka Ardayda Kulliyadda Injineerinka & Cilmiga Kombiyuutarka (FECSSA) waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Eng. Mukhtar Ibey Omar iyo Ustaad Osman Ibey Omar, oo ka tirsan howl-wadeenada jaamacadda, geerida ku timid hooyadood Caasha Cali Maxamed, oo ku geeriyootay deegaanka Ceelasha Biyaha.

Waxaan Alle uga baryeynaa inuu marxuumadda u naxariisto, Jannatul Firdowsa ka waraabiyo, ehelka iyo qaraabadana samir iyo iimaan ka siiyo.

Aamiin Aamiin.

11/12/2025

✨ Maxaad ka ogtahay Taariikhda Artificial Intelligence (AI)?

Artificial Intelligence (AI) maanta waa maskaxda ka dambeysa horumarka casriga ahβ€”robots, chatbots, cod aqoonsi, iyo xitaa baabuurta iswadda. Laakiin ma ogtahay in safarka AI uu ka bilowday fikrado iyo riyooyin fog?

🧠 1950-meeyadii β€” Aabaha AI, Alan Turing, wuxuu keenay fikradda ah in mashiinku u fakari karo sida aadanaha.
πŸ’‘ 1956 β€” Waxaa lagu dhawaaqay magac ahaan β€œArtificial Intelligence” shirkii caanka ahaa ee Dartmouth.
πŸ“ˆ 1970–2000 β€” AI waxay martay marxalado hoos u dhac iyo kor u kac, balse hal-abuurka saynisyahannadu ma istaagin.
πŸš€ 2010 ilaa maanta β€” AI waxay noqotay mid aad u awood badan: codka Siri & Google Assistant, ChatGPT, iyo barnaamijyo aqoonsada sawirrada iyo wajiyaasha.

Maanta, AI waxay saamayn ku yeelatay:
βœ“ Caafimaadka
βœ“ Waxbarashada
βœ“ Ganacsiga
βœ“ Amniga
βœ“ Nolol maalmeedka qof walba

❓ Adiga maxaad ka aaminsan tahay mustaqbalka AI?
Hoos ka dhiibo fikradaada πŸ‘‡βœ¨

Photos from Uniso-FECSSA's post 27/11/2025

πŸ“Έ Siminaarka β€œDigital Skills for Youth Entrepreneurship”

Waxaa si rasmi ah u soo dhammaaday siminaarka ciwaankiisu ahaa β€œDigital Skills for Youth Entrepreneurship”, kaas oo muddo labo maalin ah si gaar ah loogu qabtay Ardayda Kulliyadda Engineering and Computer Science ee Jaamacadda Soomaaliya, Campus-ka 21 January.

Siminaarkan oo ay soo qaban-qaabiyeen Midamawga Ardada Jaamacada Soomaalia iyo Macadka Somali Academy , wuxuu ku wajahnaa sidii ardayda loogu xoojin lahaa xirfadaha dijitaalka ah ee lagama maarmaanka u ah hal-abuurka, ganacsiga casriga ah, iyo adeegsiga teknoolojiyadda si loo abuuro fursado shaqo iyo kuwo ganacsi oo cusub.

Inta lagu guda jiray tababarka, ardaydu waxay barteen:
πŸ’‘ Fahamka xirfadaha dijitaalka ee ganacsiga casriga
πŸ’» Sida loo adeegsado digital tools kor u qaada wax-soo-saarka
πŸš€ Farsamooyin hal-abuur iyo business innovation ah oo ku socda dunida maanta

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelineynaa:
πŸ™ Qaban-qaabiyeyaasha
πŸ™ Macallimiintii tababarka bixisay
πŸ™ Ardaydii ka faa’iideysatay barnaamijkan

Siminaarkan wuxuu ahaa tallaabo muhiim ah oo kor u qaadaysa aqoonta iyo hal-abuurka dhalinyarada Jaamacadda Soomaaliya.

20/10/2025

Maxaa ka taqaan taariikhda email, Kumuu ahaa shaqsigii ugu h**eeyay ee farriin ku dira email?
hadaba kaga bogo halkaan, Kunasoobiir si aad ula socotid taariihkda Tech.

18/10/2025

Dunidu waxay wajahaysaa caqabado waaweyn: cudurro halis ah, isbeddel cimilo, iyo kala duwanaansho waxbarasho. Laakiin maanta, xal kasta oo casri ah waxaa horseedaya injineerada tiknoolajiyada.

πŸ”· Caafimaadka: AI iyo Data Analysis ayaa badbaadinaya nolosha malaayiin qof iyagoo kuwa h**e u ogaada cudurrada.

πŸ”· Waxbarashada: E-learning platforms waxay gaarsiisay waxbarasho carruurta ku nool meelaha fog fog.

πŸ”· Deegaanka: Computer simulations iyo smart systems ayaa xakameynaya isticmaalka tamarta, ilaalinta biyaha, iyo la dagaalanka isbeddelka cimilada.

πŸ’‘ Haddii aad rabto inaad noqoto qayb ka mid ah dadka mustaqbalka dunida badalaya… Computer Science & Engineering waa furaha!

04/10/2025

Ku soo dhawaada ardayda cusub ee ku biirtay Kulliyadda Engineering and Computer Science ee Jaamacadda Soomaaliya! πŸŽ‰
Waxaan idinku soo dhoweynaynaa gacmo furan, annagoo rajeynayna in safarkan aqooneed uu idiin noqdo mid barwaaqo, dhiirrigelin iyo guul leh.
Kulliyadeenu waxay bixisaa takhasusyo casri ah sida:

πŸ’» Computer Science – Baro sirta tiknoolajiyadda iyo software-ka!
πŸ—οΈ Civil Engineering – Dhis magaalooyin iyo mustaqbal adag!
⚑ Electrical Engineering – Maamul tamarta iyo korontada casriga ah!
πŸ“‘ Telecommunication – Xidhiidhka iyo isgaarsiinta dunida!
🏘️ Construction Management – Hogaami mashruucyada dhismaha iyo qorsheynta!
πŸ›‘οΈ Cyber Security – Difaac xogta iyo amniga dijitaalka ah!

Ku soo biira safka hal-abuurka, horumarka, iyo mustaqbal ifaya! 🌟

Want your business to be the top-listed Computer & Electronics Service in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Website

Address


Mogadishu