Nagiib osman
Xigmadda Soomaalida.
Boqol jir xagee ka daynaa?
Qabri iyo qoryo hoostood ka daya
Sagaashan jir xagee ka daynaa?
Salli iyo sariir dusheed ka daya
Sideetan jir xagee ka daynaa?
Sabada reerka ka daya
Todobaatan jir xagee ka daynaa?
Tawxiid iyo tusbax ka daya.
Lixdan jir xagee ka daynaa?
Lexejeclo ka daya
Konton jir xagee ka daynaa?
Arin ka daya
Afartan jir xagee ka daynaa?
Awood ka daya
Sodon jir xagee ka daynaa?
Hadal iyo hareed gadh ka daya
Labaatan jir xagee ka daynaa?
Hurdo iyo hawl fudud ka daya
Toban jir xagee ka daynaa?
Hunguri ka daya.
Xigasho buugga Murti iyo Mahadhooyon.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Telephone
Website
Address
Mogadishu
252