MURTI
20/05/2023
Nuxurka Maanta.
Hal madow Higaad iyo quraan h iyo waaw reeban
Hanadnimo iyo hooyaala gabay heelo iyo maanso
Nin kasta naftiisa ha hafree hoodo anigaa leh.
Sayid Maxamad Cabddule xasan.
HALGANKU WAA JOOGTAYNTA.
16/04/2023
NOQO QOF ADAG | DHIIRIGELIN
Noqo qof adag mar walba maxaa yeelay nolosha ma wajahi karo qof daciif ah, Noqo qof adag waayo noloshu ma qaabisho dadka jilicsan. Waa hubaal inaad adigu wajahi doonto wakhti adag iyo wadci cusub balse hada ogow samirku waa furaha farajka ee noqo qof adag.
Ogow inaad ahaato ruux dulqaad iyo samir badan waxay ku dhaafisaa nolosha adag, ha u jihaadin oo keliya sidii aad u guuleysan lahayd, balse mar walba ku dadaal sidii aad qiimo u yeelan laheyd.
Ha noqon keliya qof adkeysi u leh gadgadoonka waayaha nolosha, balse noqo qof wakhtiga adag iyo wadciga fiicanba allah uga mahadnaqa. Ogow anagu waxaan ku nool nahay adduunyo dhibaato badan oo aysan ka dhamaaneynin mushkilado iyo murugooyin, waxaana la halgami doonaa dhibaatooyinkaas ilaa inta aynu nool nahay.
Ugu dambeyn noqo sida ubaxa, kaas oo ugu deeqa udgoonkiisa xitaa gacmaha burburiya.
_____
Abdi Yusuf
13/03/2023
Hadii aad keligaaga tahay ha dareemin murugo, xusuusnow dayaxuba inuu yahay keligii hadana waa midka ugu iftiinka badan inta samada ka muuqatata
12/03/2023
Ogow maalin uun addunkan dhexdiisa ambase aakhiro ayaa lagu weydiin doonaa lagaana abaal marin doonaa naf walboo aad qalbi jabisay iyo il walboo aad ka ilmeysiisay
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Afgoye Street
Mogadishu