The 7 Institute

The 7 Institute

Share

Photos from The 7 Institute's post 11/06/2026

Madasha Ummadda ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo lagu qabtay munaasabad looga hadlayay mowduuca “Kor u qaadista wacyiga dhalinyarada iyo ka digista halista ku gadaaman tahriibka”.

Agaasimaha Fulinta ee Machadka Cilmibaarista The 7 Institute for Research and Development, Mudane Mahir Hassan, ka jeediyay kalmad uu ku adkeeyay muhiimadda wacyigelinta dhalinyarada, abuurista fursado gudaha dalka ah, iyo ka hortagga khataraha tahriibka.

Photos from The 7 Institute's post 07/06/2026

Waxaa sharaf inoo ah in Isku-duwaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Arrimaha Ganacsiga, Mudane Sadaq Mohamed, uu booqasho ku yimid The 7 Institute for Research and Development, halkaas oo uu marti ku ahaa barnaamijka .

Waxaa si qoto dheer looga hadlay mowduuca “Soomaaliya iyo Isdhexgalka Dhaqaalaha Gobolka”, iyadoo diiradda la saaray fursadaha iyo caqabadaha ku xeeran ka mid noqoshada Soomaaliya ee suuqyada gobolka, kobcinta ganacsiga, fududeynta isu-socodka badeecadaha, iyo xoojinta iskaashiga dhaqaale ee dalalka deriska ah.

Agaasimaha Fulinta ee The 7 Institute for Research and Development, Mudane Mahir Hassan, ayaa si diirran u soo dhaweeyay Mudane Sadaq Mohamed, wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, iyo macaahida cilmi-baarista, si loo xoojiyo koboca dhaqaalaha iyo isdhexgalka gobolka.

Want your organization to be the top-listed Non Profit Organization in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Address


Rayan Business Center, Zoobe, Wadajir
Mogadishu