Somali welfare Educational Organization

Somali welfare Educational Organization

Share

Photos from Somali welfare Educational Organization's post 19/04/2026

Muqdisho, Axad 19-ka April 2026
Xubnaha SOWEDO Organization oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha SOWEDO ayaa maanta galabnimadii booqasho rasmi ah ku tagay Al Nashaad Primary and Secondary School.
Booqashadan sharafka leh waxay ahayd mid lagu xoojinayo xiriirka waxbarasho iyo iskaashiga ka dhexeeya SOWEDO iyo dugsiga, iyadoo diiradda la saaray taageerada ardayda, kor u qaadista tayada waxbarashada, iyo dhiirrigelinta jiilka mustaqbalka.
Xubnaha SOWEDO waxay la kulmeen maamulka iyo ardayda dugsiga, iyagoo la wadaagay talooyin iyo dhiirrigelin ku saabsan dadaalka, akhlaaqda wanaagsan, iyo muhiimadda waxbarashada.
SOWEDO waxay mar walba u taagan tahay u adeegidda bulshada iyo garab istaagga ardayda Soomaaliyeed si loo dhiso mustaqbal ifaya. πŸŒ±πŸ“š

17/04/2026

✨ JUMCA MUBAARAK ✨
SOWEDO Organization waxay idiin rajaynaysaa Jimco barakeysan 🀲
🌿 Ilaahay ha inaga aqbalo ducada
🌿 Ha ina siiyo naxariis iyo kheyr badan
πŸ“Ώ Jimco wanaagsan dhammaantiin πŸ’™πŸ’š

13/04/2026

🌟 QEYB KA NOQO KHAYRKA WALAAL 🌟
Somali Welfare Educational Organization (SOWEDO) waxay si joogto ah ugu taagan tahay horumarinta waxbarashada iyo taageeridda bulshada, gaar ahaan dadka nugul ee u baahan garab istaag.
πŸ“šπŸ€ Waxaan ku martiqaadeynaa dhammaan bulshada inay ka qeyb qaataan howlaha samafalka ah ee aan fulinno, sida:
Qaybinta agabka waxbarashada
Taageeridda ardayda danyarta ah
Wacyigelinta bulshada
Horumarinta adeegyada waxbarasho
πŸ’™ Ka qeyb qaadashadaadu waxay noqon kartaa isbeddel dhab ah oo nolosha dad badan saameeya. Wadajir ayaan ku gaari karnaa bulsho waxbaratay oo is garab taagan.
πŸ‘‰ Noqo qof kaalin ka qaata khayrka – gacmaha is qabsada ayaa wax badan qabta.
πŸ“² Kala soco boggayaga:
Facebook & Instagram: Somali Welfare Educational Organization
WhatsApp: +252-610480780

06/04/2026

🌍 SOWEDO Organization – Join Our Volunteers!

✨ Isbeddelka bulshada wuxuu ka bilaabmaa adiga!
SOWEDO Organization waxay fursad u fidineysaa dhalinyarada doonaysa inay bulshada ku soo kordhiyaan wax tar, aqoon iyo isbeddel togan.

πŸ’ͺ Wada shaqeyn & Contribution:
Waxaan ku shaqeynaa nidaam iskaashi iyo gacan isku siin ah β€” qof walba wuxuu bulshada uga qaybqaataa fikir, wakhti iyo dadaal, si wadajir loo gaaro horumar iyo nolol ka wanaagsan.

🌱 Waxyaabaha aan qabanno waxaa ka mid ah:

Welfare Programs: Taageerada bulshada, gurmad bani’aadanimo, iyo horumarinta nolasha dadka danyarta ah.

Educational Activities: Wacyigelin, aqoon kororsi, iyo barnaamijyo waxbarasho oo loogu talagalay dhalinyarada iyo bulshada.

Community Engagement: Dadaallo lagu dhisayo midnimo, wadajir iyo bulsho firfircoon.

Social Development Projects: Mashaariic bulshada lagu horumarinayo iyo adeegyo muhiim ah.

🀝 Kusoo biir maanta oo qayb ka noqo isbeddelka!
Ku qor magacaaga, lambarkaaga iyo degmadaada, kadibna u dir WhatsApp:
πŸ“± +252-621480780

25/03/2026

β€œSOWEDO Organization waxay u taagan tahay horumarinta waxbarashada iyo taageeridda bulshada. Qeyb ka noqo khayrka walaal, oo la garab istaag dadaallada waxbarasho ee mustaqbalka ifaya dhisaya.”

Want your organization to be the top-listed Non Profit Organization in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Website

Address


Mogadishu