Some vacation
17/01/2026
Muuqaalada ka imaanayo laascaanood waxaa si wayn looga daawanayaa guud ahaan soomaaliya, State-yada cusub sida Awdal oo kale tusaale ayey ka qaadanayaan, Jidkani ay Laascaanood jeexday. Waxaa hadda bilowday fitno cusub oo ah ''Aniga oo arkaya Soomaali wayn oo maamul goboleed noqon kara maxaa iigu qasbaya meel aanan ictiraaf ka jirin in aan raaco, Waa in aan madax banaani helaa''.
Majirto aragti mandiq ah oo Hargeysa ay ku joojin karto haddii koox ay dhahdo ''Sida aad adinkuba gooni isku taagteen baan Annaguna isku taagany, reero kala duwan ayaa nahay''. Tani waa doodii ugu xooga badneyd ee aan arko ee somaliland loo isticmaalayo, Qaab looga hortagi karo majirto, Wax shaqeynaayo ma aha XUDUUD ingiriis dhigay.
Xusuusnow ''Marka kursi, dhaqaale, madax banaani ay timaado labada qof ee isla dhashay xitaa ayaa qori isku qaata''. Awdal oo aragta WAQOOYI BARI oo noqotay maamul goboleed dhameystiran, Saameyn toos ah ayey ku leedahay. Waalaga hinaasaya, Xildhibaan kasta oo hargeysa xanaaqa ALTERNATIVE uu ku hanjabo ayey noqon doontaa.
Qof diidaayo majiro ''Maamul goboleed gaar ah noqo, Xildhibaano kuu gaar ah sameyso, canshuurtaadi ku maalgeli deegankaagii, fursad ka leh dowlada federaalka, Turkiga iyo dowlado kale deegaankagi ha maalgeliyeen''. Fursad aan weligeed la arag ayey u muuqan kartaa...........
Si kooban INDHAHA LAASCANOOD AYEY KU JEEDAAN, Ma tusaale fiican ayey noqon doontaa mise wax aan lagu dayan doonin. Hargeysa ma haysato ARAGTIDEEDII GOONI ISKU TAAGA wax xoojinayo oo ay kaga hortagi karto DOODAHA CUSUB EE SOO BAXAYA, Waayo waxaa ciilaayo deegaankeedii waxaa ku yar kala duwanaansho, mana jirto fursad soo jiidasho badan leh oo ay soo bandhigi karto.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
Mogadishu