Hage Human Development Centre

Hage Human Development Centre

Share

27/10/2024

CV Writing

Furaha Shaqadu waa Codsiga shaqada CV oo Noqda Mid Casri ah, Lana aqbali karo.
Haddii aad u baahan tahay in laga caawiyo Codsi Shaqo [CV] iyo Cover Letter.
Waxa ku fududeynaya Xarunta [HHDC]
Hage Human Development Centre

13/10/2024

:
[Report writing skills]

Shaqooyin badan ayaa u baahan xirfadda qorista warbixinnaha, oo ay ka mid yihiin:

1. Maamulaha mashaariicda:

Qorista warbixinnada mashruucyada kala duwan iyo horumarkooda.

2. Cilmibaadhe:

Soo gudbinta natiijooyinka cilmibaadhis iyo xogaha la soo ururiyey.

3. Maamule NGO:

Qorista warbixinnada deeq-bixiyayaasha iyo kuwa kale ee daneeyayaasha ah.

4. Qoraaga warbixinnada dhaqaale:

Warbixin ku saabsan dhaqaalaha shirkad ama hay’ad.

muhiimka ah:

1. Aqoonta iyo fahamka mawduuca:

Inaad leedahay faham qoto dheer oo ku saabsan mawduuca aad ka qorayso.

2. Xog ururin:

Inaad si sax ah xogta ugu ururin karto hab cilmi ku dhisan.

3. Qorista iyo habaynta:

Xirfaddaha qoraalka toolmoon, habaysan oo soo jiidasho.

4. Falanqayn iyo qiimeyn:

Inaad si qoto dheer u falanqeyn karto macluumaadka oo aad qiimeyn ku sameyn karto xogta.

5. Software-ka iyo tools-ka:

Barnaamijyada ama qalabka loo isticmaalo qoraalka iyo soo bandhigidda warbixinta (sida Microsoft Word, Excel, iyo PowerPoint).

Warbixinta wanaagsan waxay soo bandhigtaa xog sax ah, falanqeyn cad, iyo talooyin ku habboon si loo gaadho go’aamo waxtar leh. Inaad barato ama lahaato xirfadda warbixin qorista toolmoon oo aad barataa waa mid aasaas u ah dhammaan waaxyaha shaqooyinka shirkaddaha, hay’addaha iyo xafiisyada dawladdaba. Haddii aanad h**e u qaadan tababaro la xidhiidha qorshaha ku darso bilaha soo socda maalgelinta nafeed ee aad ku horumarinayso xirfaddahaaga shaqo si aad dalacsiin iyo horusocod shaqo aad u hesho idamka Alle.
Hage Human Development Centre

Want your business to be the top-listed Business in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Address


Prima Palace In Front Of Banadir University
Mogadishu
HODANDISTRICT