Dheef

Dheef

Share

08/12/2025

Sanadkii 4aad oo aynu kamid nahay Martida Bandhigga, waan ku faraxsanahay, waa maalmaha Garowe ay noqoto aduunka buuggagta.

Maktabadda Dheef waxay ka midtahay Maktabadaha ka hawl gala Magaalada Mogdisho.

18/10/2025

Murugo waa sheeko ku saabsan wiil barbaar ah oo nolol qallafsan ku barbaaray. Wiil aan weligii arag gacaltooyadii iyo koolkoolintii carruurtu ka heli jireen waalidkood. Waalid la’aan buu ku barbaaray. Jabhadnimo iyo jeelal Muqdisho iyo Nayroobi ah buu ku qaadanayaa noloshiisa barbaarnimo. Jacayl iyo kalgacal buu u qaadayaa gabar ay ku kulmi doonaan Nayroobi. Nolosha ayaa hadba haadaan ka tuuraysa, kolka u danbaysana ku soo tuuraysa xeebaha bari ee Boosaaso.

Gabar uu gaclooday bay ugu danbaynta is guursanayaan. Nolol kale oo tii h**e ee qallafsanayd ka duwan buu galayaa. Nolol lacag iyo shaqaba leh. Laakiin noloshan danbe Samatar wuu iska ka la qubayaa, hawadiisa ayuu raacayaa, oo gabar kale ayuu bilaabayaa in uu la tunto. Dabadeed wuxuu ku dhacayaa hog kale oo halaag ah oo la mid ah kii uu ku soo barbaaray.

Laakiin nasiib wanaag waxaa caawinaysa oo gacan weyn u fidinaysa gabartii ay is guursadeen. Gabartani waa tii u sabab ahayd in uu noloshii h**e qallafsanayd ka baxo, mar labaadna sabab u noqotay in uu ka baxo noloshii danbe ee halaagga ahayd ee uu gacantiisa ku galabsaday.

Waxa aad ka dalban kartaan Dheef Books.

Want your business to be the top-listed Shop in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Address


Mogadishu

Opening Hours

Monday 07:30 - 22:00
Tuesday 07:30 - 22:00
Wednesday 07:30 - 22:00
Thursday 07:30 - 22:00
Saturday 07:30 - 22:00
Sunday 07:30 - 22:00