Runsheg Medea
01/10/2025
wararka kaso baxay dalka farace ayaa shegay in Safiirka dalka Koonfur Afrika u fadhiyay wadankaa , Emmanuel Nkosinathi oo shalay meydkiisa la helay isagoo ka soo dhacay qolka 22 ee dhismaha hoteel uu degganaa oo Paris ku yaalay , waxaa la xaqiijiyay inuu ahaa qofka u gudbiyay maxkamadda ICC , dacwada ay Koonfur Afrika ka diyaarisay Israa|l oo sababtay in Netanyahu loo jaro xarig.
Koonfur Afrika , ayaa wali wada baaritaan la xiriira dhimashada safiirka, iyadoo aan ilaa hadda la soo saarin wax natiijo hordhac ah.
Waxan loobadinaa in falkaas ay kadanbeso Israel, lama oga jwb ayaa Ka bixindonto koonfur Africa.
DEG DEG: madaxweynaha marekinkaTrump oo Xasan Sheekh Ku dhahay naga wado Ilhan Cumar oo Somaliya geey balse Madaweynaha Somalia Xasan Sheekh ayaa diiday.
Trump wuxu dhahay “Waxaan lakulmay madaxa Somalia oo kuu kawado Xasan sheekh. Waxaan idhi Xasan Sheekhoow Ilhan Cumar naga wado. Xasan Sheekh wuu diiday. Xasan wuxuu yiri ma rabo qoftaas”
25/09/2025
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GOLAHA QARAMADA MIDOOBEY KA JEEDIYEY KHUDBAD KU SAABSAN XAALADDA DALKA
New York, Sebteembar 24, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey fadhiga 80aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa soo bandhigay duruufaha adag ee Soomaaliya ay ka gudubtay, isagoo tilmaamay in dowladdu ay dadaal ku bixisay xaqiijinta amniga, dardar gelinta dagaalka ka dhanka argagixisada, xoojinta dimuqraadiyadda iyo dhammeystirka Dastuurka.
Madaxweynaha ayaa si gaar ah u bogaadiyey guulaha ciidamada qaranka iyo xoogagga shacbiga ah ee ka dhanka ah argagixisada, waxa uuna saaxiibbada caalamiga ah ku dhiirri geliyey doorkooda dagaalkan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyey dadaallada dowladdu ay ku xaqiininayso dhisidda nidaam dimuqraadi ah oo daah-furan, waxa uuna sheegay in Soomaaliya u socoto doorasho qof iyo cod ah oo markii ugu horreysay 57 sano la qaban doono, taas oo diiwaangelinteedu ay si habsami leh u socoto, ayna ay ka qeyb qaadanayaan ururo siyaasadeed oo badan.
Dhanka horumarka iyo dhaqaalaha, Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay in Soomaaliya ay ka shaqeyneyso xoojinta dakhliga gudaha, hufnaanta maamulka maaliyadda iyo ka faa’iidaysiga fursadaha ganacsi ee gobolka iyo caalamka.
Ugu danbeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa khudbaddiisa kaga hadlay xasilloonida gobolka, xuquuqda dowladnimo ee walaalaha Falastiin, iskaashiga caalamiga ah iyo mudnaanta ay leedahay in wadajir loo wajaho halista isbeddelka cimilada oo saameyn weyn ku yeeshay waxsoosaarka beeraha iyo nolasha malaayiin qoys oo reer guuraa ah.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the public figure
Telephone
Website
Address
Yaqshiid
Mogadishu
NONE