Marka Media

Marka Media

Share

15/01/2026

Hambalyo iyo shaqada hortaalla Guddoomiyaha cusub ee Degmada Marka iyo Gudoomiye Ku xigeenka Amniga. Marka h**e Ilaahay ha idin fududeeyo masuuliyadda, hana idinka dhigo kuwii ku guulaysta horumarinta Nabadda, midnimada iyo adeegga bulshada.

Shaqada Ku hortaalla Guddoomiye waa mid ballaaran, masuuliyad weynna xambaarsan, waxaana ka mid ah qodobadan:

1- Sugidda amniga iyo nabadda
La shaqaynta hay’adaha amniga
Ka hortagga khilaafaadka bulshada
Adkaynta wada-noolaanshaha dadka degmada
3- Maamul hufan iyo isla-xisaabtan
Dhisidda maamul daahfuran
Ka hortagga musuqmaasuqa
Hubinta in shaqaalaha degmada si hufan u
shaqeeyaan
3- Horumarinta adeegyada bulshada
Waxbarashada (dugsiyo, macallimiin)
Caafimaadka (xarumaha caafimaadka)
Nadaafadda iyo bilicda magaalada
4- Horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha
Waddooyinka iyo biyo-gelinta
Suuqyada iyo ganacsiga
Taageeridda kalluumaysiga iyo beeraha (gaar ahaan Degmada Marka)
5- La shaqaynta bulshada
Dhageysiga cabashooyinka shacabka
La-tashiga odayaasha, haweenka iyo dhalinyarada
Xoojinta midnimada iyo kalsoonida shacabka
La shaqaynta heerarka kale ee dowladnimada
Dowlad-goboleedka iyo Dowladda Federaalka
Hay’adaha samafalka iyo kuwa caalamiga ah.

👉 Gunaanad:
Guddoomiyaha cusub waxaa hortaalla shaqo culus oo u baahan hoggaan wanaagsan, dulqaad, iyo u adeegid dhab ah oo ku salaysan danaha shacabka.

09/01/2026

Taliyaha Amniga Degmada Marka oo Ka hadlay deegaanda dhowaan laga xureeyay AS

21/12/2025

Waxaa caawa la baasan doonaa Koobaka Qaramada Qaarada Africa 🌍.....

📅 AFCON 2025 ayaa maanta bilaabanaysa!
🌍 Waxaa martigelinaysa Morocco laga bilaabo 21-ka December 2025 ilaa 18-ka January 2026.

⚽ Caawa waa furitaanka koobka!
📍 Morocco vs Comoros
⏰ Waqtiga: 7:00 PM (GMT)
🏟️ Goobta: Stade Prince Moulay Abdellah, Rabat 🇲🇦

👑 Koobkan waa kii 35-aad ee Africa Cup of Nations, waxaana ka qeyb galaya 24 kooxood oo Afrika ugu fiican.

⭐ Kooxaha xooga leh waxaa ka mid ah:
🇲🇦 Morocco (Hakimi)
🇪🇬 Egypt (Mohamed Salah hoggaaminayo)
🇨🇮 Ivory Coast (horyaalka hadda)
🇸🇳 Senegal & 🇳🇬 Nigeria …iyo kuwo kaloo badan.

Ku raaxayso ciyaaraha! ⚽🔥

Want your establishment to be the top-listed Arts & Entertainment in Marka?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Address


Marka
252