NAFIS Network
18/12/2025
Daladda NAFIS waxay ka hirgalisay magaalada Hargaysa tababar ku saabsan ilaalinta xuquuqda caruurta iyo u diyaar-garowga isbedelka cimilada. Tababarkaas ayaa ahaa mid loo qabtay xubno ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshadda sida; u adeegayaasha bulshadda, booliiska, macalimiinta, xir-fadlayaasha caafimaadka, culimada iyo oday-dhaqameedka kuwaas oo ka kala socday xaafadaha Hargaysa Stadium iyo Ayax 3. Ujeedada Tababarka ayaa ahayd kor u qaadida fahanka iyo aqoonta ilaalinta xaquuqda caruuurta iyo u diyaar-garowga isbedelka cimilada. Gabogabadii tababarkaas ayaa ahaa mid ku soo dhamaaday guul kaas u fulay sidii loo qorsheeyay waxaana ka faaiidaystay 20 xubnood.
30/10/2025
Isuduwaha Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada & Qoyska- JSL, ee Magalada Gabilay, oo si rasmi Ah u furay Kulanka xoojinta wada sheekeysiga jiilasha ee joojinta caadooyinka taban ee bulshada, kaas oo Dallada Nafis Network oo kaashanaysa hay'adda ay ku qabatay magaalada gabilay.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the organization
Telephone
Website
Address
Hargeisa