Somaliland Engineering Association

Somaliland Engineering Association

Share

08/11/2025

Waxyabaha Soo Dadajiya Burburka Wadooyinka Somaliland Gaar Ahaan Hargeisa.

Wadooyinka laamiga ee Somaliland, gaar ahaan kuwa Hargeysa, si fudud ayey u burburaan muddo kooban kadib marka la dhiso. Sababta ugu weyn waa biyo aan si fiican u socon iyo tayada hoose ee dhismaha.

Si loo sameeyo wadooyin adag oo muddo dheer sii jira, waa in la sameeyaa tallaabooyinkan soo socda:

1. Naqshad Biyaha-mareenka oo la Saxo:
Wado kasta waa in lagu daraa biyo-mareen dhinacyada ah, meelaha biyuhu isku-dhaafaan, iyo Buundooyin (culverts) si biyuhu u socdaan, oo aanay dusha waddada ugu ururin.

2. Diyaarinta Dhulka Waddada ka hor Dhismaha Laamiga:
Diyaarinta Dhulka ( Site Clearance) qodaalka kadib waa in si fiican loo cadaadiyaa (compaction) oo laga saaraa walxaha aan adkayn, si uu u noqdo meel adag oo la dhigi karo lakabka hoose (Sub-Grade).

3. Agab Tayo Leh iyo Kormeer Qorshaysan:
Waa in la isticmaalaa agab tayo sare leh sida Dhagaxanta iyo Daamurka (Asphalt), lana hubiyaa tayadoda shaqada inta lagu jiro dhismaha — gaar ahaan dhumucda iyo cadaadinta lakab kasta.

4. Dayactir Joogto ah:
Wadooyinka waa in si joogto ah loo eega, biyo-mareennadana la nadiifiyaa, dillaacyadana la xdharaa marka ay yaryar yihiin ka hor inta aanay noqoneyn godad waaweyn.

Haddii la hagaajiyo maaraynta biyaha lana xoojiyo tayada dhismaha, Somaliland waxay yeelan doontaa wadooyin waara, tayo leh oo kharash yar ku dhamaada.

07/10/2025
Want your organization to be the top-listed Non Profit Organization in Hargeisa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Address


Road No 1 Omar Hashi Building Floor 4
Hargeisa
252

Opening Hours

Monday 08:00 - 13:00
Tuesday 08:00 - 13:00
Wednesday 08:00 - 13:00
Thursday 08:00 - 13:00
Saturday 08:00 - 13:00
Sunday 08:00 - 13:00