Cavaaze

Cavaaze

Share

01/01/2022

Udugii Jaceylka Hanad iyo Hodan💍♥️ part:1

(Sheeko Jaceyl ah)

Hanad waa wiil madi ah Wana Wiil Ka Dhashay Reer Hanti Badan Leh, oo aad u taajiriin ah.

Hanad Waa Kibrani Aad Iskula Weyn, oo isku haysta in aduunka ayna waxba ka maqnayn, Hooyada Hanad Dhashay Ayaa Mar Walba Jecel Inuu Wiilkeedu Guursado Si U Kalinimada Uga Baxo (single nimada) Lakiin isagu Guur iyo Arimaha ma jecla, in uu Iska Bashalo Kolba Wadan u tago Mooye, waayo waa wiil aad u Jecel Nolosha kalinimada ah.

Maalin isaga iyo Hooyadii, Oo Wada Qadaynaya, Ayay Hooyadii dhashay Hanad Ku Tidhi Hanadow Hooyo Waxan Rabaa Inan Maanta si dad waa weyn iskula Hadalno, Hanad Intuu Si Kalgacal Leh U soo Egay Hooyadii, Ayuu Dhahay Hooyo ii sheeg.

Kadib Hooyadii Ayaa Ku Tidhi Hooyo Waxan Raba Ina Caruurtaada Arko, Hooyo walba waxay jeceshay in ay aduunka ku dul aragto awlaada ay caruurteedu dhaleene, madaama Imika Qof Weyn aan Noqday Xataa Hadday Tayda noqoto Micnaha Aan Dhinto Aniga, waxaan rabaa in aan dhinto, anoo Garabkaga Ku Og Xaas iyo Caruur.

Hanad Ayaa Dhahay Hooyo Insha allah Waan Guursan, Wali Wakhti Ayan Haystaa oo waan yarahay Lakiin Imika Guur uma Jeedo, Isaga oo Raba Inu Qanciyo Hooyadii Si Ay Guurka Dib Ugu Dhigto, Lakiin Hooyadii Hadalkeedii Ayay Ku Tagan Tahay Wayna Ku Adkaysay Arinta, Isaga Oo Raali Galin Naya Hooyadii Ayuu Aqbalay Arinkii, Hooyadii Aad Ayay u Faraxday Farxad Ayay is Kala garan wayday Kadib Ayay u Raacisay Inay Gabadh Fiican iyada U Dooni Doonto Hal Week Kadib.

Hanad Aad Ayuu u Warwarsan Yahay, waayo Hooyadii uun ayuu ka diidi kari waayay ee ma rabo Guurka Murug iyo ciil Ayuu La Seexan Wayay Habenkii, Isaga oo Diidaya Guurka iyo Gabadh Aanu Aqaan U Lahayn, Sida Uu uGuursan Lahaa.

Hooyadii Ayaa La Hadashay Islaan Ay Saxibo Ahayeen, Oo Magaalo Tuulo Ah Dagan, Una sheegtay Bari In Ay Safar U soo Tahay Tuulada, Hooyadii Waxay U Baxaysa Hawsha Wiilkeeda Una Dooni Rabta Gabar Dhaqan iyo Hidihi Leh, Oo Wanaagsan una qalanta inankeeda si ay ugu darto.

-La soco Qaybta:2

-ku marti Qaad dhawr Qof oo asxaabtaada ah Qisadan mahadsanid.

me si aad u noqoto Qofka ugu H**eeya ee akhriya Qormooyinka aan soo qoro mahadsanid.

W/Q: Cavaaze studio

Want your university to be the top-listed University in Hargeisa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Address


Hargeisa