ADAM Academy
Multi stakeholders dialogues to advance inclusive participation.
Akadeemiyada Adam ayaa si guul leh ugu qabatay magaalada Hargysa shir wadatashi oo heer sare ah, iyadoo isu keentay daneeyayaasha muhiimka ah ee qaranka iyo bulshada si loo horumariyo ka qaybgalka loo dhan yahay ee geeddi-socodka siyaasadeed ee Somaliland.
Munaasabadda waxaa ka soo qayb galay wakiillo ka socda saddexda Xisbi ee Siyaasadda Qaranka, xubnaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee Somaliland (NEC), ururada bulshada rayidka ah ee hormuudka ka ah, aqoonyahanno madax-dhaqameed, aqoonyahanno bulsho, iyo shakhsiyaad siyaasadeed oo ka socda bulshada laga tirada badan yahay ee Gabooye.
Madashu waxay abuurtay dood wax ku ool ah oliyadoo lagaga wada hadlay oo ku saabsan xoojinta ka mid noqoshada siyaasadeed, wax ka qabashada caqabadaha saameeya Bulshada laga tirada badan yahay, iyo hagaajinta kalsoonida u dhaxaysa hay'adaha iyo Bulshada Gabooye. Ka qaybgalayaashu waxay ka wada hadleen waddooyinka wax ku oolka ah ee lagu xoojinayo ka qaybgalka bulshada, matalaadda caddaaladda ah, iyo iskaashiga u dhexeeya hay'adaha dawladda, xisbiyada siyaasadda, iyo hoggaanka bulshada.
Kulanku wuxuu ku dhammaaday ballanqaad wadajir ah oo lagu sii wadi doono hababka wadatashiga ee kor u qaada caddaaladda, isku-xidhka qaranka, iyo dhaqanka dimuqraadiga ah ee loo dhan yahay ee guud ahaan Somaliland.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the organization
Website
Address
Hargeisa
Opening Hours
| Monday | 08:00 - 14:00 |
| Tuesday | 08:00 - 14:00 |
| Wednesday | 08:00 - 14:00 |
| Thursday | 08:00 - 14:00 |
| Saturday | 08:00 - 14:00 |
| Sunday | 08:00 - 14:00 |