Dhacdo

Dhacdo

Share

24/02/2022

4
Ardaygu ma samayn karaa xidhiidh jacayl?
Haa wuu samayn karaa haddii uu diyaar u yahay una qorshaysan
tahay inuu guursado waqti xaadirkan. Way jiraan arday iskugu
jira wiilal iyo gabdhoba oo go'aansaday inay guri yeeshaan si ay
u dagaan una helaan nolasha dhandhankeeda macaan ee ah;
inaad hesho lammaane kula qaybsada nolasha kuna garab
taagan. Ardaydaasi waxay mareen sifo sharciyaysan kaas oo ah
inay guri yagleeleen. Immisa ayaa guryo leh haddana wax
baranaya. Immisa ayaynu jaamacadaha ku aragnay
qalinjabintoodii iyagoo ay la socodaan lammaanahoodii iyo
awlaadoodii, oo sawiro qurux badab la galayaan farxada
qalinjabintooda awgeed. Mowduuceenan marnaba k**a hor
imanayo in ayna gabadha amaba wiilku guursan inta uu ku
gudda jiro hayaanka waxbarasho. Se waxa uu dhiirigelinayaa
inay guursadaan ardayda intii awoodda si ay nolashu micno
buuxda ugu samayso, noqdaana qaar dhawrsan oo allah swt raali
ka yahay. Haddii kale waxa ay ku jiri doonan nolol isku buuq iyo
wal-wal badan. Waayo xidhiidhka waqtiga dheer qaataa waa
waqti lumis iyo dhibaato joogto ah. Waqtigan aynu noolnahayna
arrimuhu xadka way ka baxeen oo sifiican ayaad uga
warhaysaan. Badanaa inta dhalinyaro ee u calaacalysa arrimo la
xidhiidha; xidhiidho jacayl oo sameeyeen kuna guul daraysteen.

Haddii aanu ardaygu diyaar u ahayn guur muxuu kala
kulmi kara xidhiidhada jacayl?
Xidhiidhka guurka hortii ee waqtiga dheer qaataa ma fiicna sida
aynu soo sheegnay. Waxa xidhiidh la sameeyaa maalinka aad
usoo diyaar garowdo inaad samaysato nolashada dhabta ah,
sidoo kale diyaar kuu tahay dhamaaan waxkasta oo kuu
fududaynaya dhisada ama yagleelida gurigaga cusub sida; gurigii
aad ku noolaan lahayd iyo quudkii aad quudan lahayd adiga iyo
lammaanahaga aad soo xulatay. Diinteenu aad ayay u
dhiirigelisay in dhalinyaradu guurka ku dagdagaan oo h**e u
guursadaan inta ay dhalinyarada ku jiraan kii awooda inuu bixiyo
quudka qoyskiisu ku noolan lahayeen.
Allah swt waxa uu faray ragga haddiiba ay jeclaadeen gabadh
inay toos u tagaan gurigoga waydiistaana waalidkeed. Lama
ogala in la baxbaxo oo waqtiyo badan la isku soo lumiyo, oo la
fara ka ciyaaro iyo waxyaabo badan oo kaleba. Waxa innagu
waajib ah inaynu qaadano amarka allah swt. Dhalinyarteenii way
moogan yihiin wixii inala amray. Waxana laga dhigtay wax
caadiya. Allah waxa uu qur'aankiisa inoogu sheegay inuu labada
qof marka ay isguursadaan dhexdooda dhigi doono jacayl iyo
maxabo, taas oo guriga ka dhigi doonta mid dhismihiisu
adagyahay oo waara siina jira waqti dheer ilaa iyo labada qof
uga imanayso geeridu.
Haddaba ardaygu haddiiba aanu diyaar u ahayn guur waxa uu
kala kulmi doona caqabado badan oo ka mashquulisa
Lasoco qaybaha dambe@

12/02/2022

4.Ha u hoggaamin ummadda qabyaalad. Haddii aad damacdo in aad
ummadda hoggaamiso waxaad tahay birta dhexe ee miisaanka. Waxaa
kula gudbboon in aad marka h**e tahay nin-qaran oo aadan adeegsan
qabyaalad si aad wax u maamusho. “Nin-Qabiil ma hoggaamiyo Qaran.”
Ka bilow naftaada, carruurtaada, ehelkaaga iyo qaraabadaa la dagaalanka
qabyaaladda. Markaad saafi ka noqota qabiil u soo leexo in aad dawlada
wadankaga hooyo hoggaamiso. Sidoo kale ha taageerin hoggaamiye adoo
u taageeraya waa nin qabiilkaaga ah darteed oo kaliya. Waxaa
ka habboon in mid kaga habboon uu hoggaamiyo ummadda.
Qabiilaystuhu, wuxuu aqoon u leeyahy in uu hoggaamiyo qabiil qudha ee
ma awoodo in uu hoggaamiyo ummadda oo isku duuban.

Want your school to be the top-listed School/college in Hargeisa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Website

Address


Hargeisa
063