Somaliland Radiologic Technologists Association SORTA

Somaliland Radiologic Technologists Association SORTA

Share

07/09/2025

🌍 Ma ogtahay in raajooyinka (X-rays ) ay yihiin qalab caafimaad oo badbaadiya nolol badan si maalin lah , balse haddana ay jiraan khuraafaad badan oo dadka lagu qalday?

Aan kala saarno xaqiiqada iyo been-abuurka πŸ‘‡

πŸ”Έ Khuraafaad: Raajooyinka waxay kaa dhigayaan qof shucaac leh.
βœ… Xaqiiqo: Raajooyinku waxay jidhkaaga dhex maraan oo keliya inta baaritaanka lagu jiro. Kuma hadhaan gudaha jidhkaaga, sidaas darteed ma noqonaysid shucaac socda kadib baadhitaanka.

πŸ”Έ Khuraafaad: Hal raajo oo laabta ahi(Chest X-ray) waa khatar wayn.
βœ… Xaqiiqo: Hal raajo laabta ahi (Single Chest X-ray) waxay ku siinaysaa qiyaasta shucaaca oo la mid ah shucaaca dabiiciga ah ee aad ka hesho deegaankaaga muddo 10 maalmood gudahood (qorraxda, dhulka iyo hawada). Waa ammaan, waana heer aad u yar.

πŸ’‘ Xusuusnow: Raajooyinka si adag ayaa loo nidaamiyaa, waxaana ka shaqeeya shaqaale xirfad u leh ilaalinta badqabkaaga, waa ammaan, waana baadhitaan muhiim u ah ogaanshaha cudurrada. Marka si xikmad leh loo isticmaalo, waxay badbaadiyaan nolol badan maalin kasta.

πŸ“ Ururka Somaliland Radiologic Technologists Association SORTA waxa uu ka go’an yahay in uu bulshada wacyigeliyo isla markaana hubiyo adeegyo sawir-qaadis caafimaad oo tayo leh, ammaan ah oo hufan.

.

Want your business to be the top-listed Health & Beauty Business in Hargeisa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Culinary Team

Attire

Telephone

Website

Address


Hargeisa