Zanka Media
19/06/2026
:-Cabdisalaan Nuur Daalacay Ayaa Maanta Loo Doortay Ambassador-ka Xaawo Foundation ee Somaliland
Cabdisalaan Nuur Daalacay, oo ah Guddoomiyaha Jaamacadda Golis Faraceeda Gobolka Gabiley, ayaa maanta loo doortay Ambassador-ka Xaawo Foundation ee Somaliland.
Cabdisalaan Nuur Daalacay waxa uu ka mid yahay aqoonyahannada sumcadda iyo maamuuska ku leh Somaliland, gaar ahaan Gobolka Gabiley. Waxa lagu yaqaannaa akhlaaq wanaag, cibaado badan, dulqaad, degganaansho iyo af-gaabnaan, kuwaas oo ka dhigay shakhsiyad ay bulshadu si weyn u qaddariso uguna kalsoonaato.
Xilka maanta loo doortay waa mid uu ku mutaystay kartidiisa, hufnaantiisa iyo doorka muuqda ee uu kaga jiro horumarinta waxbarashada iyo adeegga bulshada. Waxa uu leeyahay hoggaamin wanaagsan iyo sumcad ku baahsan guud ahaan Somaliland.
Waxa la filayaa in maalmaha soo socda uu magaalada Jigjiga kaga qayb galo kulan ballaadhan oo ay kasoo qayb geli doonaan masuuliyiin sare iyo madax kala duwan, kuwaas oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Cagjar. Madaxweynaha ayaa sidoo kale martiqaad rasmi ah u fidiyey tiimka Xaawo Foundation si ay uga qaybgalaan kulankaas muhiimka ah ee lagu dardargelinayo arrimaha bulshada iyo horumarkooda.
Hambalyo iyo bogaadin ayaan u diraynaa Cabdisalaan Nuur Daalacay, annagoo u rajaynayna in Alle ku guuleeyo masuuliyadda cusub ee loo igmaday, kana dhigo mid bulshada iyo dalkaba wax weyn ku soo kordhiya.
Qalinkii Jacfar Cawil Hereri
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the public figure
Telephone
Website
Address
Gebiley