Hooyo kaaba

Hooyo  kaaba

Share

18/06/2024

إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ‎.💔😢😢
"Inalilahi wainalilahi rajiun" allah unaxariisto waa geeri tiranyo leh Allah unaxariisto AYEEYO Faadumo Aw Xasan dhaman samir iyo Iman allah naga wada siiyo janatul fardowsa allah ha ugu bishaareyo.dhaman ehel iyo qarabo samir iyo iman

AYEEYO allaha ku naxaristo janatul firdowsa allaha ka warabiyo 🤲

Photos from Hooyo  kaaba's post 25/03/2024

Shuban Biyood ama Dacuun calooleed (Cholera)
Cudurkan (Cholera) waa mid halis badan oo keena Matag iyo shuban-biyood ba’an, taas oo qofka uu haleelo ama uu ku dhaco keenta inuu fuuq-baxo hor iyo gadaal, xataa dhimasho sababi karta haddii aan la daweyn.
Waxaa sababa in la cuno ama la cabo biyo ku wasaqeysan Bakteeriyada ama jeermiska il ma aragtayda ah ee loo yaqaano (Vibrio cholera,) Xanuunkan ayaa halis badan ku haya dadyoow badan gaar ahaan bulshada nadaafadoodu hoosayso, meelaha dadku ku badan yihiin iyo meelaha dagaalada, abaaraha iyo macaluushu ka jiraan.
Sidee loo kala qaadaa?
1) Saxarada dadka qaba cudurka haddii ay gaarto ceelasha, webiyada, harooyinka iyo laasaska waxay u gudbaysaa dadkii cabba ama isticmaala.

2)Cunnada iyo cabitaanka iyadoo raacda: gacmo aan la iska dhaqin markii la saxaroodo iyo cunnada ka hor, iyo dad qaba cudurka oo ka shaqeeya cunnada sida makhaayadaha oo kale ayaa ka mid ah siyaabaha ay ku gudubto kooleradu.

3) Xiriir toos ah: dadka la tacaamula qashinsaarka, matagga, dharka, iyo guriga dadka bukaanka ah ama dariskoodaba, haddii aysan iska ilaalin waxaa dhacda inay ka qaadaan cudurka.

Calaamadaha shuban Biyoodka
Dhibaatada ay sababayso kooleradu waxay ku xirantahay dagdagga uu qofku ku waayo biyaha jirkiisa ku jira. 90% xaaladaha kooleradu waa fududyihiin oo ma sababaan dhibaato badan, lagamana garan karo shubannada kale. Waxay ku billaabanaysaa faaruqin "evacuation" lagu samaynayo dareerihii jirka ku jiray, shuban ba'an oo uu xigo matag ayaa dhacaya.
Fuuq-baxa ka dhasha arrintani "collapse" waxaa lagu gartaa qofka bukaanka indhihiisa oo god gala, sidoo kale daamanhiisa iyo calooshiisa, qallayl daran, kaadi yari, neeftoo mid yar noqota, iyo jirkoo is baddal uu ku dhoco. Bukaanku markaa nervous buu noqonayaa, harraad daran baa qabanaya, xanuun murqaha lugaha iyo caloosha ah ayaa qabanaya. Xata waxaa suura gal ah oo dhacda inuu u dhinto bukaanku fuuqbaxaasi, haddii aanan si dagdag ah loogu celin biyihii ka lumay. Haddii aanu dhimanna, wuxuu ku soo noqonayaa sidiisii h**e oo wuu soo kabsanayaa "recovery".

Sidee looga Hortagtagi karo Cudurka Shuban Biyoodka?

* Gacmaha oo lagu dhaqo saabuun, dambas ama dareere koloriin ah.
* Waa in gacmaha la maydhaa ka dib isticmaalka suuliga/musqusha.
* Ka hor inta aan cuntada la cunin.
* Keliya in la cabbo biyo nadiif ah. Waxa biyaha lagu nadiifin karaa iyada
* �oo La karkariyo, Dareeraha Koloriin lagu daro.biyo sifeeyey
* in si fiican cuntada loo kariyo.
* Maacuunta(Weelka) jikada oo lagu dhaqo (Maydho) saabuun, dareere koloriin ah ama biyo kulul.
* Mar walba waa in jikada iyo hareeraheeduba ahaadaan kuwo nadiif ah.
* Saxarada iyo mantaggaba waa in lagu aaso meel ku habboon oo ka fog goobaha biyaha leh.
* Isticmaal suuli/musqul haddii la heli karo. Ha ku dhex saxaroon biyaha.

Prepared by Layla

Want your practice to be the top-listed Clinic in Gebiley?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Website

Address


Gebiley