Gedo Youth Union
29/08/2025
Qaybtii Afaraad: Kulankii Isbeddel-doonka iyo Maamulkii Gobolka iyo kan degmada Garbaharey
17-kii November 2018 waxaa kulan ka dhacay hoolka dhalinyarada degmada Garbaharey. Kulankaas waxa ku kulmay Golaha Isbeddel-doonka Jubaland iyo Maamulkii Gobolka ee xilligaas, kuwaas oo guddoonka ugu sarreeya iyo xildhibaanno qaar ay markii h**e la fikir ahaayeen Golaha.
Kulanka waxa laga wada hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen:
• Amniga iyo xasilloonida,
• Arrimaha Jubaland gaar ahaaneed,
• Iyo in la joojiyo bannaanbaxyada lagu muujinayo fikirka dadweynaha.
Gunaanadkii kulanka
Dood dheer ka dib, waxa la isla meel dhigay in:
• Muhiim tahay amniga iyo xasilloonida oo loo arko muqaddas,
• Dhankasta laga shaqeeyo sidii loo ilaalin lahaa nabadda.
Si kastaba ha ahaatee, waxa la isla fahmi waayay qodobo ay ka mid ahaayeen:
• Sida loo wajahayo arrimaha Jubaland.
• Joojinta bannaanbaxyada lagu muujinayo rabitaanka shacabka Jubaland.
Gebagebo
Ugu dambayn, waxa lagu ballamay in shir kale la isugu soo laabta.
Qore Abdirisack Gurdux
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the organization
Website
Address
Shabeel
Garbahaarrey