Puntland First

Puntland First

Share

31/03/2026

Puntland First waxay si diirran u soo dhoweynaysaa Golaha Wasiirrada cusub ee uu magacaabay Madaxweynaha Dowladda Puntland. Waxaan Alle uga baryeynaa inuu u fududeeyo gudashada masuuliyadda culus ee loo igmaday, kuna asturo caddaalad, hufnaan iyo waxqabad muuqda.

Puntland First waxay mar walba u taagan tahay ilaalinta danaha guud ee Puntland.

01/02/2026

WAR-SAXAAFADEED
01 February 2026.

07/11/2025

PUNTLAND FIRST OO TAAGEERAYSA GO’AANKA DAWLADDA PUNTLAND EE KA DHANKA DACAAYADA IYO BEEN-ABUURKA

Garoowe, November 07, 2025: Puntland First waxay si buuxda u bogaadinaysaa war-saxaafadeedkii ay soo saartay Dawladda Puntland ee ku saabsanaa dacaayadaha iyo been-abuurka ay faafinayaan mas’uuliyiin ka tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira dagaalka ka socda dalka Suudaan.

Waxaanu si cad u taageereynaa mowqifka adag ee Puntland ay ku muujisay inay aanay wax lug ah ku lahayn dagaallo shisheeye, isla markaana ay weli u taagan tahay nabad, xasillooni iyo iskaashi caalami ah.

Puntland First waxay qoraalkaasi ku tilmaamaysaa mid dowladnimo, mas’uuliyad iyo daacadnimo ku dhisan, oo difaacaya sumcadda iyo madax-bannaanida Puntland. Sidoo kale, waxaan si adag u cambaaraynaynaa isku day kasta oo lagu marin habaabinayo guulaha Puntland ee la xiriira amniga, horumarka iyo la-dagaallanka argagixisada.

Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan hay’adaha warbaahinta iyo bulshada rayidka ah inay garab istaagaan mowqifka Dowlad Goboleedka Puntland, oo ah tiirka ugu muhiimsan ee xasilloonida iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya.

Ugu dambayn, Puntland First waxay mar kale ku celineysaa taageerada buuxda ee ay u hayso Dowladda Puntland iyo shacabka reer Puntland ee ku mideysan ilaalinta amniga, dowladnimada iyo sumcadda deegaanka.

— DHAMMAAD —

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Puntland First

📘 Facebook:
🐦 Twitter/X: https://x.com/PuntlandFirst_

Want your organization to be the top-listed Non Profit Organization in Gaalkacyo?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Address


Gaalkacyo