Peace and Development Forum
“Nabadda iyo midnimadu waa jidka horumarka iyo caafimaadka bulshada, halka colaadda iyo kala qaybsanaantu ay horseedaan burbur iyo dib u dhac bulsho.”
Farriintaan wacyi galinta ah waxaan iska kaashaday hay'adaha kala ah:
Peace and Development Forum Life & Peace Institute iyo Somali Peace Line
25/03/2026
Madasha Nabadda iyo Horumarinta (PDF) ayaa magaalada Gaalkacyo, xarunta Gobolka Mudug, ku qabatay barnaamij dood-cilmiyeed ah oo diiradda lagu saaray laba mowduuc oo aad u muhiim ah, kuwaas oo kala ah:
1. Colaadaha Soo Noqnoqda ee Gobolka Mudug:
Dooddu waxay falanqeyn qoto dheer ka bixisay sababaha keena colaadaha soo laalaabta, arrimaha fashiliya dadaallada iyo heshiisyada nabadeed, iyo sidii xal waara looga gaari lahaa colaadahaasi. Waxaa si gaar ah loo iftiimiyey doorka hoggaanka dhaqanka, siyaasadda, iyo bulshada rayidka ah ee ku aaddan dhisidda nabad waarta.
2. Hirgelinta Doorashooyin Xor iyo Caddaalad ah:
Qodobkan waxaa lagu falanqeeyey sida dalka oo dhan looga hirgelin karo doorashooyin hufan oo loo dhan yahay, heer deegaan, dowlad goboleed iyo heer federaalba. Sidoo kale waxaa la iftiimiyey caqabadaha jira sida kalsooni darro siyaasadeed, daciifnimada hay’adaha, iyo arrimaha amniga.
Dood-cilmiyeedkan waxaa ka qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ka mid yihiin:
- Mas’uuliyiin ka kala socday heer gobol iyo heer degmo ee maamullada Puntland iyo Galmudug
- Cuqaasha iyo hoggaanka dhaqanka
- Dhallinyarada iyo aqoonyahannada
- Ururrada haweenka
- Ururrada bulshada rayidka ah
Barnaamijkan muhiimka ah waxaa soo qaban-qaabiyey Peace and Development Forum(PDF), iyadoo ay iska kaashadeen hay’adaha Somali Peace Line (SPL) iyo Life & Peace Institute(LPI).
Ujeeddada dooddan ayaa ahayd in la abuuro madal furan oo lagu falanqeeyo caqabadaha jira, lana soo jeediyo talooyin wax ku ool ah oo lagu gaari karo nabad waarta iyo nidaam doorasho oo hufan.
27/12/2025
Kulanka Billaha ah ee Moderators-ka Galkayo SD Groups
Waxaa si guul leh nooqabsoomay kulankii billaha ahaa ee Moderators-ka Galkayo SD Groups. Kulankan ayaa waxaa isugu yimid 40 Moderators, kuwaas oo ka kala socday 20 kooxood, mid kasta oo ka kooban 12 xubnood, kana hawlgala magaalada Gaalkacyo.
Kulanka billaha ah ayaa diiradda lagu saaray:
- Guulaha la gaaray intii lagu jiray bisha,
- Caqabadaha jira,
- Iyo qorshayaasha waxqabadka ee bisha xigta.
Mashruucaan oo ah Nabad-dhiska iyo ballaarinta iyo kor u qaadista ka-qaybgalka siyaasadda ee Dhallinyarada Soomaaliyeed.
Mashruucaan ayaa waxaa si wadajir ah u fulinaya hay’adaha LPI, SPL, iyo PDF.
Kulanka ayaa kusoo dhammaaday jaw i wadatashi, is-faham, iyo dhiirrigelin leh, iyadoo Moderators-ku muujiyeen ka-go’naansho buuxda oo ku aaddan sii wadidda dadaallada nabadda iyo ka-qaybgalka horumarinta bulshada.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Culinary Team
Attire
Contact the organization
Telephone
Website
Address
Galkayo Mudug
Gaalkacyo