Garaad same
Yaa sheegi kara? Sababta mar walba Jabuuti loogu matalo shir qoolada lidka ku ah danaha Somaalida;
1. 1991 Jabuuti; Cali Mahdi iyo cumar Carte (burburintii ciidankii Qaranka iyo furidii dagaalka qabiilka).
2. shirkii Carte iyo C/qaasim 2000 (awoodayntii Al itixaad).
3. Shirkii Jabuuti 2009 iyo shekh shariif (soo saariddii Alshabaab).
4. Shirkii Jabuuti 2023; xasan sheekh iyo Muuse biixi, (bilowgii iibinta dhulka Soomaaliyeed)
Fadlan dhiibo ra'yi maalgal ah.
Aabi Axmad.
Laba daran mid dooro.
1. In soomaalida, oromada iyo canfartu ku soo biiraan Soomaaliya, kana soo go'daan etoobiyada isku karkarka ah ee ku dhisan fulinta danaha iyo aragtiyaha gumaystaha shisheeye, taasoo ah si kaliya ee lagu heli karo afrika xor ah, nabad ah ah, badahooda wadaaga oo horumarsan.
2. In aad ku sii jirto riyada beenta ah, indho sarcaadka iyo doqomo rarashada aad badda ugu raadinayso dad xornimo doon kaa ah, oo xoog lagu amxaareeyay ama diinta xaqa ah laga duway, taasoo sabab u noqon doonta in qasriga lagugu dhex gawraco.
Ha moodin ogolaanshaha ama aamuska madaxda khasaartay inuu gar maangal ah, xaq iyo xalaal ka dhigayo doodaada ah waa badanahay oo ma bad la'aan karno, jawaabtaaduna waxa weeye; " Anaga baddu waa nagu wayn tahay, khayraadku waa nagu badan yahay, dadkuna waa nagu yar yahay ee noo soo celi dadkii iyo dhulkii gumaystayaashu naga boobeen, diinta xaqa ah ku soo laabo, dadka faraha badan ee fakhriga ahna ka fududee dalkaaga etoobiya.
Rabina talo ku
Filan.
WQ: Afhayeenka Afrikaanka xorta ah.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
Gaalkacyo