Maan-dhis
10/10/2024
Sanad walba bisha October 10 keedda ayaa loo asteeyay, in la xuso maalinta caafimaadka Maanka. Halku dhiga maanta waa “ Mental Health at work”. Halkudhiganni wuxuu cadeynayaa doorka ay shaqado iyo goobta shaqaduba ku leedahay badqabka caafimaad ee maanka .
Xarun walba waxaa laga rabaa in ay la timaado qorshayaal kor u qaadaya caafimadka maanka iyo badqabka shaqaalahooda.
1: Ilaalinta iyo ka hortagga waxyeellada.
*Mudnaan siinta badbaadada jireed iyo maskaxeed ee goobta shaqada
*In lasiiyo shaqaallaha nasiino ku filan
*In caadi laga dhigo in qofka shaqaalaha ah uu dalban karo caawimaad ah caafimadka maanka ah.
2: Xoojinta isku xirnaanta shaqaalaha iyo bulshada.
1: In la abuuro xarunta dhexdeeda dhaqanka soo dhaweynta.
2: In la dhiso xariiro xooggan oo iskaashi ku dhisan shaqaalaha dhexdiisa.
3: kor u qaadista taageeradda ay isi siinayaan maamulka iyo shaqaalaha goobta shaqada.
3: Isdhexgalka shaqada iyo nolosha.
1: Bixinta madax-bannaanida sida shaqada loo qabanaayo , oon culays la saarin shaqalaha.
2: In jadwalka shaqada laga dhigo mid dabacsan oon culays ku ahayn shaqalaha.
3: In la kordhiyo fursadda helitaanka fasaxyada.
4: Ixtiraamka xaduudaha shaqada iyo nolosha gaarka ah.
4: Kor u qaadida qiimaha shaqada.
1: Bixinta mushaar ku filan nolosha shaqalaha
2: ka qaybgelinta shaqaalaha go’aamada goobta shaqada
3: Dhisidda dhaqan mahadnaq iyo tixgelin siin ah shaqaalaha.
5: Kobcinta fursadaha shaqalaaha:
1: Bixinta tababar , waxbarasho iyo hagid tayo leh
2: In la kobciyo xirfadda shaqaalaha , iyada oo lagu xulanayo hab caaddalad ah.
3: Siinta jawaab waafiya , cabasho walba oo uu qabo shaqaalahu.
Khatarta caafimaad maanka ee goobta shaqada:
1: Qabashada shaqo ka baxsan xadka.
2: In uusan shaqaalahu lahayn shaqo cayiman, oo uu ku talogalo.
3: Faquuqid ama bahdilaad joogtaa.
4: Qilaaf joogta ah oo ka dhaxeeya shaqalaha, ama shaqalaaha iyo maamulka.
5: Hubinti la’aan amni .
6: Ku shaqeynta mushaar aan ku filneyn qofka shaqalaha?.
Maan-dhis
.
06/03/2024
Khilaafka Qoyska( Parental conflict).
Qoysku waa seeska ay iskugu imanaayaan hooyadda,Aabbaha iyo ilmahu. Waa tiir adag oo ay ku taagan tahay bulshado. Guri walba oo dhisan waxaa ka dhex dhaca khilaaf iyo kala duwaanaan aragtiyeed si maalin la ah,iyadoon loo eegayn heerka dhaqan-dhaqaale, qowmiyad, ama waxbarasho ee qoyska. Waxuuna noqon karaa dood ,qallafsanaan iyo gacan qaad jireed.
Mid ka mid ah saameynta ugu weyn ee khilaafka waalidku ku yeesho carruurtanna waa carqalad uu ku keeno nolol maalmeedkooda. Carruurta goob joog ka ah iskahorimaadka u dhexeeya waalidkood waxa ay noqdaan kuwa werwersan oo walaac ka qaba waxay muddan doonaan mustaqbalka. waxaana laga yaabaa inay la kulmaan dhibaatooyin ay kamid tahay is beddal dabeecadeed, darreeneed ,jireed iyo dib u dhac waxbarashada iyo aqoontaa. Waxay noqdaan kuwa aan kalsooni badannaa ku qabin naftooda iyo dadka ku xeerran, aynna u fududahay inay danbiyo geystaan.
Marka la fahmo saameynta khilaafka waalidka oo la qaado tillaabooyin lagu yareynayo saameyntiisa, waalidiintu waxay gacan ka geysan karaan hubinta in carruurtoodu ku koraan deegaan caafimaad qaba, taageero ay ka helayaan waalidkood . Iyadoo loo marayo wada-xiriir wax ku ool ah oo ka dhaxeeya waalidka , xallinta khilaafaadka, iyo dhisida xiriirka togan oo ay la yeeshaan carruurtooda.
Maan-dhis
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the business
Website
Address
Xero-Daraawiish
Gaalkacyo
252