Jama Talehi

Jama Talehi

Share

26/10/2022

Muuqaalkan markaan arkey waxaan hoosta ka xariiqay in uu cunugan yar (Ilmahan yar) aad loo tababarey. Hal daqiiqo ayaa la odhanayaa ha taaban, si wacan buu uga soo baxayaa oo taaban-maayo ilaa loo fasaxo.

How is it.

24/05/2022

Badhan dhawaaqan ayaa ka yeedhaya maanta oo dadkii waxay leeyihiin [ AllA Haraad, haraad ] duco , gar-gaar iyo garab istaagba in aynu siino ayaay mudanyihiin maanta .

21/05/2022

Xarunta Xuquuqal Insaanka madaxa bannaan ee Somaliland ayaa cambaraysay xadhiga loo gaystay Aare Saleebaan Cowleed Aare oo ah Muwaadin Jabuutiyaan ah.

War-saxafaaddeed kasoo baxay xarunta ayaa u dhignaa sidan;

"Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay si xoogan u cambaraysa xadhiga lagula kacay Arreh Suleyman Awled Arrehoo booliska Somaliland 20/05/2022, Gebilay ku xidheen.​

Aare waa muwaadin Jabuutiyaan ah balse hadda degan oo ku nool Somaliland gaar ahaan magaalada Gebilay. ​
Aare xadhigiisa looma marin sifo sharciga waafaqsan.​
Sida ay eheladiisu xarunta u sheegeen xadhigiisa waxa uu la xidhiidha haddalo uu maalmahan baraha bulshada u marinaayey madax weynaha dowlada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele.​


Xaruntu waxa ay ka walaacsan tahay xadhiga Aare, waxana ay ka digaysaa in ay Somaliland dib ugasho khaladkii sharci ee ay gashay 2014, kaas oo ay muwaadin reer Somaliland ah oo magaciisu yahay Cabdilaahi Shiikh Cabdiraxmaan Ibraahim Jabuuti ugu gacan galisay iyada oo aanay jirin xeer ama sharci ay raacday kaas oo ilaa hadda Jabuuti ku xidhan, arrinkaas oo ahaa mid bini’aadanimada ka baxsan.​


Dhanka kale majiro wax mucaahado caalami ah oo dhex maray Somaliland iyo Jabuuti oo ku saabsan isu celinta eedaysanayaasha iyo danbiilayaasha toona.​

Sidoo kale Qodobka 35 (3) ee dastuurka Somaliland waxa uu dhigayaa “Jamuuriyadda Somaliland waxay dib u celin kartaa danbiile ama eedaysane dalkiisa ka soo cararay, haddii uu jiro heshiis dhex maray Jamuuriyadda Somaliland iyo dal ka waydiistay celintiisa”​

Ugu danbayn xaruntu waxay dowladda jamuuriyadda Somaliland ugu baaqaysaa in ay si dhaqso ah xoriyadiisa ugu soo celiso Aare Saleebaan Cowleed Aare, isla markaana xaqdhowrto oo tixgaliso dastuurka dalka u yaala.​

Yaasmiin Cumar ​ Xaaji Maxamuud​
Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaana​


------------------------------------------------------------------​

Press Release ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ 21/05/2022 ​ ​

The arrest of a Djiboutian Citizen in Gabilay Arreh Suleyman Awled Arreh​

Aare is a social activist who lives in the city of Gabilay, a Djiboutian national for four years. He is a social activist whose primary work elucidates the problems in Djibouti at the hands of the president of Djibouti, Ismail Omar Geele. His work highlights socio-political issues of the Djiboutian government, specifically human rights issues in the country. ​

Human Rights Center was able to get in contact with his family and can report that he was arrested without proper procedure and without a warrant as indicated in Somaliland constitution, nor charges that he is accused of. ​ ​


HRC is concerned the previous history where Somaliland government handed over to the Djiboutian government a Somaliland citizen on June 11, 2014, will repeat itself here. We are requesting that the same actions are not applicable to this case and are requesting the government to follow the constitution, specifically article 35(3) which states “The Republic of Somaliland may extradite to their countries convicted or accused foreigners if there is a treaty between the Republic of Somaliland and the country requesting their extradition.”​

We have reason to be concerned as Abdullahi Sheik Abdirahman Ibrahim is still in prison in Djibouti presently. Therefore, we are urgently requesting that Somaliland authorities follow proper procedure in a fair and justified way and be reminded that Somaliland government does not have any treaty with Djibouti in place regarding accused citizens. It will be morally unethical if the Somaliland government hands over Aareh Suleyman Awled Arreh. ​ The center would like to request his immediate release and freedom. ​


Yasmin Omar Haji Mohamoud​
The Chairperson of Human Rights Centre

21/05/2022

Ninkaasi waa idiin magan ee yaan la maagin oo dhexdiina yaana lagu dulmiyin. Wuxuu sheegay sababta uu somaalinad u yimid iyo wanaaga uu ka filanaayo in ay u sameynayaan .

Ninkaas ha garab istaagan xaqu-dirirku oo yaan dhexdiina lagu dhiibin oo lagu dhirbaaxin xitaa .

20/05/2022

Hadaad garanaysaan qur'aan i sheega fasilaada ayaadahan, ayuu leeyahay hugaamiyihii labaad ama madax-weynihii labaad ee jamuuriyadda mudane Maxamed Ibrahim xaaji cigaal .

Kaalaya oo ila niqaasha ayuu leeyahay , aniga ayaa gogosha casumaad idin fidinayaa diyaar baan idin ahey ee kaalaya ila ( Niqaasha ) .

Marka loo eego manta iyo maalintaas waxaan odhan karaa farqi weyn baa u dhaxeeya adiga qudhaadu waa suurta gal in aad igu waafaqsan tahay sidaas .

Hugaamiye mar ina soo maray buu ahaa alle ha u nuuriyo qabriga .

Want your practice to be the top-listed Law Practice in Erigavo?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Website

Address


Erigavo