Bulshobile.org
09/10/2025
๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐0 ๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐
Waxaa lagu wadaa in la qabto Shirweynaha dhidibada u taagidda Midowga Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, kaas oo dhici doona 09 October 2025 kana dhici doono magaalada Muqdisho,
Kulankan taariikhiga ah ayaa lagu aas-aasayaa midow rasmi ah oo mideynaya ururada bulshada rayidka Soomaaliyeed, si ay hal cod mideysan ugu hadlaan, isla markaana u xoojiyaan kaalintooda ku aaddan nabadeynta, horumarka iyo cadaaladda bulshada.
Waxaa lagu casuumay madaxda ururada bulshada rayidka, hayโadaha samafalka iyo hoggaamiyeyaasha bulshada, oo uu ka mid yahay
๐๐๐ก๐๐ข ๐๐จ๐ก๐๐ฆ๐ฎ๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐
Madaxa public relations ururka Bulshobile.org
Midowgani wuxuu noqon doonaa madal midaysa ururada bulshada rayidka Soomaaliyeed, isaga oo horseedaya iskaashi, wada-tashi, iyo horumar waara oo ku dhisan midnimo iyo kalsooni.
: 09 October 2025
: Adan Cade Airport โ Muqdisho, Soomaaliya
: +252619698604
Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed
02/10/2025
Kulanka Guud ee Ururka Bulsho Bile
Maanta waxaa si guul leh inoogu qabsoomay kulanka guud ee ururka Bulshobile.org, kaas oo uu shir-guddoomiyay Guddoomiyaha ururka, Mudane Mohamed Ali Botan.
Guddoomiyaha ayaa bogaadiyay dadaalka iyo ka qaybqaadashada xubnaha ururka, isagoo si gaar ah ula wadaagay qorshayaal cusub oo muhiim u ah horumarinta howlaha ururka.
Fadhiga waxaa looga dooday arrimo waxtar leh oo horseedaya koboc iyo isku xirnaan, waxaana kulanku ku soo dhammaaday jawi is-bogaadin iyo dhiirrigelin leh.
Ururka Bulsho Bile wuxuu sii wadi doonaa dadaalka uu ugu jiro kor u qaadista horumarka bulshada iyo mideynta xubnaha.
Macallin Nasro Nuur Ahmed oo ka tirsan macallimiinta qaranka soomaaliyeed ahne xubin kamid ah ururka Bulshobile.org, oo qayb ka aheed wajiigii 1_aad ee waxbaridda Hooyooyinka ayaa balan qaaday in ay markale diyaar u tahay Ololahaan.
Madaxa waaxda waxbarashada ee Bulshobile.org, Iqro Abdullahi Ahmed Nor ayaa u balanqaaday in ay mar kale diyaar u yihiin in ay u dadaalaan Hooyooyinka.
oo katirsan xubnaha u diyaar garoobayo macallinnimada ayaa soo dhawaysay Hooyooyinka u diyaargaroobayo Ololahaan.
Agaasime Ahmed Daahir oo ka tirsan wasaaradda waxbarashada ee Galmudug ayaa ku dhiirigaliyay Bulshobile.org, hawsha waxbaridda Hooyooyinka ah.
Bulshobile.org iyo .
.
.
Gudoomiyaha Ururka Dhallinyarada Dhusamareb, Bashir Sheikh Ali, ayaa xafladda daahfurka Ololaha waxbaridda Hooyooyinka soo xiray.
Gudoomiye Mohamed Ali Botan , ayaa daahfuray Oloha waxbaridda Hooyooyinka wajjigiisa 2_aad.
19/09/2025
.
Ururka Bulsho Bile waxa uu maanta si rasmi ah u daahfuray Wajiga 2-aad ee ololaha waxbaridda Hooyooyinka ku nool caasimadda Dhuusamareeb.
Daahfurkaan waxaa marti noogu ahaa ka soo qaybgalka:
โ
Guddoomiyaha dhalinyarada caasimadda
โ
Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada Galmudug
โ
iyo xubno ka tirsan TV_ga Galmudug.
๐ Wajigii 1-aad ee ololaha waxaa ka faaโiidaystay ku dhowaad 70 Hooyo, halka Wajigan 2-aad loogu tala galay 150 Hooyo oo fursad u heli doona barashada:
๐ Akhriska iyo Qoraalka Af-Soomaaliga
๐ข Xisaabta aasaasiga ah
Ururka ayaa sidoo kale iclaamiyay Hooyooyinkii wajjigii 1_aad ka faaโidaystay, oo rabo in waxbarashada loo sii wado ay diyaar u yihiin.
Ololahaan oo ah is-xilqaan ayaa ururka Bulsho Bile u higsanayaa in uu hooyo walba gaarsiiyo heer ay wax akhrin karto, waxna qori karto.
Gudoomiyaha ururka ayaa mar kale dhahay โHooyo wax walba waa kuu diyaar, waqtigaaga oo kaliya hur si aad wax u faaโiidaysato.โ
Hooyo waxbaratay waa Qaran waxbartay.
16/09/2025
Dhusamareb September 15, 2025
Xarunta Golaha Wakiillada Galmudug waxaa Caawa lagu qabtay dood Cilmiyeed Cinwaankeedu ahaa; Dawrka Golaha Wakiillada ee Matalaada Bulshada iyo Sharci-dejinta Galmudug ayna kasoo qeyb-galeen qeybaha Bulshada Caasimadda Galmudug, soona qaban-qaabisay Xarunta Cilmi-baarista iyo Wadatashiga Horncenter, Su'aalo iyo Jawaabo na ku wadaageen Golaha Wakiillada iyo Golaha Wasiirada iyo Qeybaha Bulshada Caasimadda Galmudug.
Dooda iyo Su'aalha oo ka dhacday Aqalka Golaha Wakiillada ayaa u badneed wax-qabadkii Golaha Wakiillada muddadii uu jiray ee 2020 ilaa 2025, Shuruucdii, Qaraaradii iyo Degmooyinkii uu Ansixiyey, Meel-marinta iyo Fulinta Shuruucdii uu Goluhu Ansixiyey iyo Matalaad Golaha ee Deegaanda Galmudug.
ururka Bulshobile.org iyo xubno ka tirsan ururka ayaa kulanka ka qaybgalay, Gudoomiye Mohamed Ali Botan ayaa xaruunta Golaha Wakiilada Galmudug u balanqaaday in ay ku beerayaan geedo una samayn doonaan agab qashinka la iskaaga rido.
Ugu dambayntii Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa soo xirey Kulanka kadib markii uu Bogaadiyey Xarunta Horncenter iyo Bulshadii kasoo qeybgashay Kulanka iyo isla Xisaabtanka u bilawday Bulshada iyo Golaha Wakiillada Galmudug.
11/09/2025
Hambalyo Hambalyo Hambalyo.
Waxaan halkaan Tahniyad Nikaax uga diraynaa Abdul ahmed Shiiq iyo marwadiisa Naciimo Hassan oo kamid ahaa xubnaha ururka Bulshobile.org
Waxaan leenahay noqda kuwa barakooba oo rabbi ha idinku deeqo kuwa Dalkooda, Dadkooda iyo Diintooda anfaco sidiina oo kale.
ุจุงุฑู ุงููู ูุจุงุฑู ุจูููู
ุง ูุฌู
ุน ูููู
ุง ุจุฎูุฑ
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
Dhuusamarreeb