Dhoh Boss

Dhoh Boss

Share

30/10/2024

Halkani waa Oog isbahayisiyow "Haka dhicin salaamada qaar lagu sigtaa jiree"

12/10/2024

Dalka meel dheerbaa laga keenay hargeysa 2004

Photos from Dhoh Boss's post 20/02/2024

Midnimo dhimatay k**i dhegentahay, awel 32kii Somaliland tuu jirtaay sow dad badan baay guumayistay ileen waa yaabe sidaniyee.

Janis wayn baa usoo baxay Somaliland.

24/01/2024

Mundane Madaxweyne, Dekedaad saxiixday, hadaan Ethiopia ganacsigeeda u isticmaalayn doonin sidaad waraysigaaga ku bixisay, maxaa China soo geliyey?

China waxay ahayd saaxiibka dhowu ee Somalia iyo cadawuga Somaliland Arinta Taiwan awgeed. Maxaa sababay in ay Heshiiska Somaliland iyo 🇪🇹 China taageerto?

China ganacsiga Somalia ma ku filanyahay oo Ethiopia oo Deked leh ma ku doorsan kartaa? Mise Ethiopia oo Deked heshay, Somalia, Jibouti waa ka guur?

Ma arki doonaa China oo Deked Berbera 10 laab ka wanaagsan u samaysay Ethiopia? sidaana alaabtii Dekeddii Berbera loogu soo rogay?

Haday Sidaasi dhacdo, miyaanay ku dambayn doonin in dekeddii Berberi noqoto Deked Reer Shiikh Isxaaq wax uga soo degaan? Ilayn Kililka 5aad waa Ethiopia oo halkaasay badeecaddu aayar u soo mariye, sida Madaxweyne Mustafe Cagjar sheegay? Adoo og in Hartigii Boosaaso u guurey dagaalkii sool oo wadooyinkii wada xidhmeen awgood.

Ma dhici doontaa in Xoolihii Somalilida ee Dekedda Berbera ka dhoofi jirey ee Carabta adhigii Barbar looga yaqaanay ay magac Ethiopia kaga dhoofaan Marsada cusub ee Ganacsi ee Ethiopia la siiyey?

Haday xataa ganacsi ahaan inooga kireysatay 20ka KM, Maxay 🇪🇹 ugu ladhay Saldhigga Military?

Miyaan la odhan karin waxay Ethiopia ku ilaashanaysaa ganacsigeeda Dekeddeeda cusub hadiiba is af garanwaa dhex maro iyada iyo Somaliland kadib marka ay ka wareegto Isticmaalkeeda Berbera?

Somaliland ma u babac dhigi kartaa ciidan ahaan iyo siyaasiyan (diplomatically) ahaanba hadii Ethiopia jebiso heshiiskii ay Somaliland la gashay oo ay Dekedda Berbera waxbaba kala soo degi weydo, mise indhahay ku cawryaysaa?

Wasiir Saajin miyaanu hadalkiisu runta uga dhoweyn ka madaxweyne Muuse?

Maxay saameyn dhaqaale ku yeelan kartaa Somaliland, Ethiopia ciidankeeda badda oo ku biira xiisada gacanka cadmeed oo daraf raacda darafyada meesha isku haya raacda?

Golaha Baarlamaanka Somaliland waa arimahan si qoto dheer u darsaan hadiiba la hor keeno. Madaxweynuhuna uu ka laabtaa wixii uu Ethiopia u il duufay.

U jawaabista Xassan Shiikh Tvga Aljazeera soo fadhiistay shacabkiisa kuma caadifad gelin karo hadaanu jawaab ku filan u hayn taageerayaashiisa iyo aqoonyahanka iyo dhamaanba shacabka Somaliland.

Ma u furantahay inuu madaxweyuhu qaado talaabo geesinmo leh oo somaaliya wadhadalo kuwii h**e ka duwan la furo, oo uu Somaliland ugu soo dhicin karo in Afti qaran laga qaado sida South Sudan, Ereteria iyo East Timor oo laysla jaangooyo qaabka saxa ah ee loo geli karo iyadoo aduun weynuhuna la ogyahay.?

Somalia aragtay inay jiraan cid Somaliya Somaliland u dhaami karta oo ciyaari karta kaadhadh lagu ilaawayo hamigii somaliyeed ee modow dambe, nacayb iyo Colaad kala irdhaysa Somali oo dhan. Madaxweyne muusana kaga kabash kabashsii madaxdii somaliaya horgoogtay 30 kii sano ee diiday in ay maqaamka ay leedahay dhigaan. Iminkana ma la joogaa waqtigii turubka halkaa lagu baandhayn lahaa?

W/Q:- Osman Saeed Jama

Want your practice to be the top-listed Clinic in Burco?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Website

Address


Burco-togdheer-district
Burco
00252