Xaradh Institute

Xaradh Institute

Share

RIDWAAN CABDIKARIIN DAA’UUD 13/08/2025

Qormadan, waxa aan si qoto dheer ugu falanqaynayaa, ereyada Af, Suugaan, Tix, Tiraab, Maanso, Maahmaah iyo kuwa la halmaale ee edegga af Soomaaliga ku xerooda. Qeexitaannadoodaa asalka ah (laf) iyo kuwa loo adeegsaday (lud) iyo weliba qaybahakala duwan ee afku leeyahay. Waxa aan soo dheegan doonaa aragtiyaha dugsiyada afka ee heerjaamaceed iyo aqoonyahannada afka ka shaqeeya. Waxa aan isku deyayaa in an mideeyo kala duwaanta jirta ama xallinno khilaafka ereyadan ka jira. Waxa aan rajaynayaa in doodo maangal ah laga keeno ama la ila qaato midda aan qabo. Ridwaan Cabdikariin Daa'uud
Halkan hoose ka akhrisan

RIDWAAN CABDIKARIIN DAA’UUD BURCO/SOOMAALILAND

Photos from Xaradh Institute's post 20/06/2025

Waxa caawa innoo qabsoomay, mawduucii Tafaftirka ee Bahda Xaradh Institute ay soo agaasintay. Mawduucan oo u qabsoomay habka fogaan aragga ee aaladda "Google Meet" ayaa waxa jeediyay Ridwaan Cabdikariin. Waxa uu ahaa barnaamij ay ka faa'idaysteen dhallinyaro badan oo daafaha carro-edeg ku filqan.
Waxa aannu u Mahad celinaynaa dhammaan dadwaynahii ka qayb qaatay hirgalinta barnaamijkaas.

26/05/2025

TIRO

Sumadda aynu tiradeenna ku suntannay waxa la yidhaahdaa tiro-carabi. Waxa ay asal ahaan ka soo jeeddaa farcarbeeddii h**e.

Haannaanka loo qoro waxa uu u qaybsamaa saddex jaad.
Tiraqor, waa marka tirada oo mutaxan la qoro sida 1, 2, 3, 4, 5, 6, 7, 8 ...
Tiraabqor: waa marka tirada lagu qoro tibxaha Farta. Sida, koow, labo, saddex, afar, Shan ...
Siddigqor, waa marka la'isku daro tiro iyo tibix. Sida, 1ow, 2ba, 3ex, 4ar, 5an, 6ix. Ama
1aad 2aad 3aad

Waxa jira labo jaad oo tiradu ka kooban tahay

TIRATIRSI
Waa tiro meel ka bilaabanta meella ku dhammaata. Waa tirada taxan ee aynu tirinta u adeegsanno, badnaanta, yaraanta, faraha ama midhaha. Sida, 1, 2, 3, 4, 5, 6, 7....
Tira tirsiga waa lagu qoraa
1. Tiraqor: 1, 2, 3, 4, 5, 6,..
2. Tiraabqor: toban iyo kow, toban iyo laba, ....
3. Siddigqor: 8eed, 9aal, 10an.

TIRATIRAYN

Waa tirada sida kalkowlaha ah loo adeegsado, sida halbeegyada iyo jagajagaynta.

Qaabka halbeeggu waa tirooyinka lagu beegu inta wax yahay ama ka kooban yahay:
Sida, Saddexan, afaran, lammaan ....

Qaabka jagajagayntuna waa hannaanka lagu beego kaalingalka. Sida, koobaad, labaad, saddexaad.

Tiratirayntu, waxa ay adeegsataa hannaanka qoraal ee Tiraabqorka iyo Siddigqorka.

Ugu dambayn qaabka aynu u nidhaahno ama ugu dhawaaqnaa waa laba qaabka. In aynu soo horraysiinno tirada tobal layda ah sida 14 (toban iyo afar) iyo in aynu xagga h**e kaga nimaadno 14 ( afar iyo toban). Qaabka dambe waxa saamayn ku leh akhrinta farta Carabiga iyo Ingiriisida. Qaabka h**e oo Soomaali badani adeegso ayaa ah midka qumman.

30/04/2025

Mawduucii saddexaad oo ku saabsanaa "Sheeko Dhaqameedda" ayaa innoo qabsoomay xalay 21-4-2025".
Waxa innala wadaagay Maxamed Cali ( Shaacir ) oo ka mid ah barayaasha Xaradh.

Photos from Xaradh Institute's post 22/04/2025

Mawduucii saddexaad oo ku saabsanaa "Sheeko Dhaqameedda" ayaa innoo qabsoomay xalay 21-4-2025".
Waxa innala wadaagay Maxamed Cali (Shaacir) oo ka mid ah barayaasha Xaradh.

20/04/2025

Mawduucii "Cilmiga Tibxaha " ee ustaad Ridwaan innoo jeediyay 14.4.2025
Ridwaan, waa bare ka mid ah ( Xaradh ).

17/04/2025

Mawduucii "Falsafadda Dhaqanka" ee ustaad Xasan Burco innoo jeediyay 13.4.2025
Xasan, waa hormuudka Xaradh Institute .

Photos from Xaradh Institute's post 15/04/2025

"Cilmiga Tibxaha Iyo Tirada Farta Soomaaliga ayaa innoo qabsoomay xalay 14-4-2025".
Waxa innala wadaagay Ridwaan Cabdikariin oo ka mid ah barayaasha Xaradh Institute .

Photos from Xaradh Institute's post 14/04/2025

"Falsafadda Dhaqanka" ee xalay qabsoomay.

Want your school to be the top-listed School/college in Burco?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Address


Laanta Siirooga U Dhow
Burco
252