ELMI LAW FIRM

ELMI LAW FIRM

Share

09/10/2021

WAXA DASTUURI AH IN NOOCA DOORASHADA XUBNAHA GOLAHA GUURTIDU AY TAHAY XULUSHO.

Sida ku cad Qod. 58aad ee Dastuurka "Xubnaha Golaha Guurtida waxa lagu soo dooranayaa
doorasho, habka doorashadana waxa nidaaminaya xeer." Qodobkan waxa ku cad oo keliya in xubnaha Golaha Guurtida la dooranayo, habka ay doorashadaasi u dhacaysana lagu nidaamin doono xeer.

Haseyeeshee, nooca doorashada lagu dooranayo xubnaha Golaha Guurtidu in ay tahay XULASHO oo aanay ahayn doorasho TOOS ah tiraba 3 Qodob oo dastuurka kamid ah ayaa lagu caddeeyey. Waa marka kowaade, Qod. 62aad ee dastuurku marka uu ka hadlayo fadhiga ugu h**eeya ee Golaha Guurtida, wuxuu dhigayaa: "Fadhiga ugu horreeya ee Golaha Guurtidu wuxuu qabsoomayaa 30 maalmood gudahood ka dib maalinta la soo dhamaystiro XULASHADIISA;"

Waa marka labaade, Qod. 68aad ee dastuurku marka uu ka hadlayo waayida xubinnimada Golaha Guurtida, wuxuu dhigayaa: "Xubinta Golaha Guurtidu waxa ay waayi kartaa xubinnimadeeda haddii ay burto shuruud ka mid ah shuruudihii lagu soo XUSHAY".

Waa marka saddexaade, Qod. 70aad ee dastuurku marka uu ka hadlayo reebannaanta in xubinta Golaha Guurtidu ay qabato xil kale wuxuu dhigayaa: " Xubinta Golaha Guurtida uma bannaana in ay qabato xil kale oo Qaran iyadoo xilkii loo XULAY haysa."

Sidaas darteed, wax madmadow ku jiro oo lagu murmi karo ba maaha in nooca doorashada xubnaha Golaha Guurtida ee dastuuriga ah ay tahay DOORASHO NOOCEEDU YAHAY XULASHO oo aanay ahayn DOORASHO TOOS AH. Habka ay u dhacayso doorashadaasi lagu xulayo xubnaha Golaha Guurtidana sida ku cad Qod. 58aad ee dastuurka waxa lagu nidaaminayaa xeer. Waxaana arrimaha xeerkan lagu faahfaahin doono kamid ah saami-qaybsiga; gobolada ama beelaha kolba midkii lagu saleeyo saamiga, cida xulaysa iwm.

Faallo: Muranka ka Dhashay Xubnaha Cusub ee KDQ, Heshiiskii Xisbiyada Qaranka iyo Xeerka Doorashooyinka (Xeer Lr. 20/2001) 19/11/2019

Faallo: Muranka ka Dhashay Xubnaha Cusub ee KDQ, Heshiiskii Xisbiyada Qaranka iyo Xeerka Doorashooyinka (Xeer Lr. 20/2001) “Malafsade ha dhaco! Xalaal-maal ha jiro! Dadku waa masee, ha mudh-baxo cadligu!” - Gaarriye (AHUN)

Want your practice to be the top-listed Law Practice in Burco?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Address


Afgooye Street
Burco