Maxamed batalaim

Maxamed batalaim

Share

17/03/2022

Cawa waa 15 shacbaan cafi wllka ama wllzha adiga illahay ayaa danbiyadada dhafayaa ilaa labo mooyane 《midka shirkiga layimaada iyo midka qalbigisii xisdi iyo xasidnimo kujirtobmooyan

29/11/2021

Jacaylada qalooca ah
Qaxar baa horseed ahe
Intii aan ku qanci jiray
Qaab aad u dhaqmi jirtay,
Qaflad baan ku jiraysaye
Wakhti qiimo loo tagay
Ayaa iga qasaaraye
Yaa i' celiya qormadi,
Fariimhaan qor qori jiray.

Qisadaan yagleelkiyo
Qaabaynteda oo qudha
Ilmadaan qub qubi jiray.

Hadal lama qaliilee
Hadaad tidhi qariib noqo
Kaligaana qudh ahow
Taa kaama qarinine,.

Qaryad baaban helay.
Qorux iyo janaan helay.

Qalbi itaba baan helay.
Qasri lagu nastaan helay.

Qaxar iga dhayaan helay.
I qiimaysa baan helay.

Qorshe ii dhigtaan helay.
I qaabaysa baan helay.

Qosol igu jantaan helay.
Guullo ii qirtaan helay.

Dhiirin i qortaan helay.
Qasnad ruuxiyaan helay.
Qof ku dhaama baan helay.

Eray kaama qarine
Dhaqankaagu qaafiyo
Qalad buu ahaa yoo
Anigoo ku qancin raba
Ayaan so qod qodi jiray
Meelo qamuunyo ay taal.

Qalbi iga gudhaan ergo
Ku qasaali jiray oo
Waxaan ta ku qoonsaday
Tallo iga qariban-tee.
Qaxarkaaga ila dhaaf.

Meel aad i qali jirtay
Qof kaalaba yeesha'ye
Mid kale bal soo qabso
Kana qodo qaraarkii
Qaw'lan kaad i yeshoo
Sidaydii intaad qufto.
Marku kuu qandhoobana
Ku yar qosal sidaadii.

Hada qiiradii iyo
Iska daayay qubashada
Ilmo iga qul qulantoo
Farxad qoorta ii sudhan
Ku qushuucay oo idhi
Qaac baan dhex imid show.

Ilayn nolashu waa qurux
Markaad qiimaheed hesho.
Qayb adiga kaa dhiman.

Indhihii i quban jiray
Qosal baa ku xigay-oo
Dhakhtar qa'liyaan helay
Dawo ayaana lay qoray.

Qabcadii aad i goysayna
Ubax aad u qoyaybaa
Lagu beeray qolqolkoo
Xamdi baan qushuucaye
Quus qaado nabadeey.

.{MCA}

28/11/2021

Agnaanimo ruux ahoo
Aqoon aan isku jirayn
Akhlaaq aan isku kabayn
Hadu af dhabaan dhabiyo
Edaab xumo ay u tahay
Aduun shay uu is taray
Ka aamudu waa awood
Ka aarsiga lagaga gudbo.

28/11/2021

Waa lay addimey
Axaddii sidaan
Kuu eegayee
Araggeeda taan
Ku il-doogsadaay
Ma illawsan tahay
Axdigaad martiyo
Meeshaad I tidhi
Waan imanayaa.

Immisaad farriin
Ergo soo dirtood
Oontiyo biyaha
Hurdo aawaday
Uga soommanayd

Eed layga keeniyo
Midna amar Illaahay
Kuma aad maqnaanine
Adigayska baaqdee

Haddaad I tidhaahdo iman maayo
Ma aadeen halkaad ogsooneyd

Anigaa isla hadloo
Mar waxaan idhaahdaa
Ku illaawi maysoo
Way imanne sii joog
Mar waxaan idhaahdaa
Axdigaydin dhigateen
Kola oofin maysee
Samir Eebbe qaadoo
Ka fogow agteedaan
Uurkayga geliyaa.

Arimada jacayl baa
I hogaaminaysoo
Misna kuma adkaystoo
K**a hoydo aydoo
Naftu olol ma deysee.
Indhaaga habeenkii
Ku ilaalinaayoo
Dhammideed addunyada
Afarteeda waaxood
Hadba gees u eegee

Aammusnow habeenkii
Ug baadka iyo dooggaa
Tiiraanyo ooyoo
Idilkood xiddigahaa
Afar qaaday socodkoo
Ubax baan guroo
Soo ururiyoo
Amranow golii
Ooddii madhnayd
Ku ag daadiyoon
Ku ilaa xidhoon
Weheshada idhee

Eedaanka diiggoo
Oogsadey salaadiyo
Waagoo iftiimaan
Keligey inaan ahay
Asaraar ka saaroon
Addimada cuskadayoon
Dib u soo arooree

Qof ammaano lumiyoo
Iibsadey xilkeedii
Samo uguma aaye
Aan kala war haynaan
Ku afgooyey heestee
Maxay adiga kula tahay?

Want your business to be the top-listed Business in Burco?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Address


Burco