Burco Cable Tv
27/05/2026
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa munaasibadda barakaysan ee Ciidul-Adxa awgeed booqasho ku tagay Magaalada Gabiley, si uu shacabka reer Gabiley ula qaybsado farxadda iyo dareenka Maalinta Barakaysan ee Ciidal-Adxa.
Madaxweynaha ayaa kulan ballaadhan la yeeshay dadweynaha reer Gabiley, oo ay ka mid ahaayeen Haldoorka Bulshada, Waayeelka, Aqoonyahanka, Ganacsatada, Madax-dhaqameedka, Culimada, Wax-garadka iyo haweenka Gobolka Gabiley.
Bulshada reer Gabiley ayaa si qoto dheer uga mahad naqay booqashada Madaxweynaha, iyaga oo ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo ka turjumaysa hoggaamiye shacabka dhexdiisa jooga, dareenkooda iyo farxaddoodana si toos ah ula wadaaga. Bulshada reer Gabiley ayaa mid mid u xusay in uu yahay Madaxweynihii ugu horreeyey ee si toos ah ugu soo qasdiya in uu farxadda Ciidda la qaybsado shacabka reer Gabiley.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa bulshada reer Gabiley uga mahadnaqay soo dhoweynta diirran iyo kalgacalka ay muujiyeen, isaga oo shacabka ku boorriyey adkaynta midnimada, wadajirka, nabadda iyo ilaalinta jiritaanka Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.
Tallaabadan qiimaha leh waxa ay shacabka Gabiley ku tilmaameen in ay tahay sharaf, xusuus iyo dareen muujinaya hoggaamiye shacabka reer Gabiley qalbigooda ku leh meel gaar ah.
27/05/2026
Dedeg:- madaxweyne Cirro ayaa maanta u jawaabay Madaxweynihii Soomaaliya waxaanu yidhi " waxaan leeyahay madax weynaha Somaliya Somaliland Way Ku Dhaaftay Meel Aad Lugaha Qabato Ma Joogto" Madaxweyne Cirro
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
Togdheer
Burco