Proff Ahmed-weli Cumar Cabaas
06/06/2025
Ciid Wanaagsan Ehelka Degelkayganaw.
Nabad ku ciida.
14/03/2024
Maalin Wanaagsan, Ramadaan Mubaarak.
Qormadi 4aad
SHURUUDAHA SOONKA
Soonku waxa uu leeyahay shuruudo aanay la'aantood soonku ansaxaynin. Shuruudaha soonku waa laba qaybood shuruudo waajibaya soonka iyo shuruudo uu ku ansaxo soonku
SHURUUDAHA WAAJIBIYA SOONKA
▪ in qofka soomayaa muslim yahay, oo gaal soon kuma waajibayo k**ana ansaxayo.
▪ in uu yahay qof qaan gaadh ah, oo soonku kuma waajibayo caruurta
▪ in uu yahay qof caqli leh oo wax garanaya, soonku kuma waajibayo qofka waalan
▪ in uu yahay qof awooda soonka, oo qof aan awoodin kuma waajibayo soonku, mana aha in uu soomo
Alle Mahad leh
W/Q Proff Ahmed-weli Cumar Cabaas
11/03/2024
Suban Wanaagsan, Ramadaan Mubaarak.
Qormada Axkaamta Soonka—
Q1aad— Soonka iyo Fadligiisa
Bismillaah Saxibayaal waxan rajeynayaa inaad kusoo toosteen caafimaad qab iyo nabad qab. intaa ka bacdi halkan waxaynu si maalinle ah idunkula wadaagayaa Qormooyin ku saabsan Axkaamta soonka iyo qormooyin diini ah oo wax tar u'ah nolosheena ee soo dhawaada saaxibayaal.
Alle SWT ayaa wax walba Abuuray, wuxuu abuurayna kuu doono mudan ka dhigay. Dhulkuu abuuray oo makkuu mudankiisa ka dhigay, dadkuu abuuray oo nebbi muxamed callayhi sallaatu wasallam ayuu ka boqray. Billuhuu abuuray oo bisha ramadaan ayuu bilanta bilaha ka dhigay.
Bisha ramadaan waa mudanta bilaha ugu sharafta iyo khayrka badan. waxyaabo badan ayuu alle kaga soocay bilaha kale oo uu iyada ku gaar yeelay. Fadligeeda badan waxaan ku xusi karnaa qodobadan hoose.
☆ Waa bisha Alle Qur'aanka Sharafta badan soo dejiyay sida uu yidhi
"شهر رمضان الذي انزل فيه القران"
''Bisha ramadaan waa bishii qur'aanka lasoo dejiyay"
☆ Bisha ramadaan waa bisha ugu fadliga badan bilaha, dhexdeedana waxa ku kulma cibaadooyin badan. oo aan ku kulmin bilaha kale sida Soon, Salaadaha, Qiyamka, Cimraysiga iyo iwm.
☆ Waa Bisha La furo Albaabada janada oo dhan, lana xidho albaabada naara Alle haynaga badbaadiye.
☆ Waa bisha la silsiladeeyo shayaadiinta madaxa adag dadkuna sharkooda ka nastaan.
☆ Waa Bisha dadka ugu badan Alle SWT naarta ka xoreeyo, una dembi dhaafo Alle SWT kuwaa haynaga mid dhigee Aamiin Aamiin.
☆ Malaa'igta Alle waxay Alle denbi dhaaf uweydisaa dadka sooman ee saa'imiiinta ah ilaa ayka afurayaan.
☆ Janadu waxay leedahay Albaab la dheho Rayaan oo dadka soonka badan oo keliya Janada ka galaan.
☆ Bisha Ramadaan waxa ku Jira habeenka laylatu qadriga oo ka fadli badan kun bilood. qofka habeenkaa haleelana wuxuu la mid yahay qof cibaadeystay kun bilood.
Fiiro-gaar ah—
Dhamaan Fadaa'ishan aynu soo xusnay waa kuwo kuwada sugnaaday sunnada nabigeeni muxamed Calayhi Sallatu wasalam. Mana aha intan oo keliya ee aad bay ubadan yihiin.
W/Q Proff Ahmed-weli Cumar Cabaas
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the public figure
Telephone
Website
Address
Burco
BURCOTOGDHEERSOMALILAND