Garaad Tech Hub
12/02/2024
Sharaf weyn bay ii ahayd in aan maanta ka qeybgalo daahfurka Computer Lab-casriga ah ee Dugsiga Imam An-Nawawi Boosaaso uu soo kordhiyey. Waa tillaabo bogaadin mudan oo ibofur ah in ardeydeennu casrigan ay la jaanqaaddo, waxa aan ammaan culus u jeedinayaa maamulka Dugsiga oo tillaabadaa Puntland dugsiyadeeda ku hoggaamiyey, waxa aan mahadcelin ballaaran u jeedinayaa hey’adda Tadamun Social Society جمعية التضامن الاجتماعي oo hirgelinteeda lahayd iyo cid walba oo talo iyo tusaale ku darsatay. Bahda Garaad Tech Hub waxa aannu ballan qaadeynaa in aan dugsiga ka caawinno tababarro iyo barnaamijyo ardeyda ku dhiirrigelinaya in ay mudnaan siiyaan horumarinta aqoontooda la xiriirta Tiknologjiyadda.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Website
Address
Bosaso